Buuhoodle(SDN/QJ)-Magaalada Buuhoodle ee Caasimadda Gobolka Buuhoodle, waxa Maalintii shalay soo gaadhay Wafti Ballaadhan oo ka socda Maamul-goboleedka Puntlad, kaas oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay.
Mudane Camay waxa Wehelinayey Xildhibaanno, wasiirro iyo madax dhaqameed kale, waxana uu markii ugu horraysay Halkaas gaadhay tan iyo markii xilkaas loo doortay muddo sanad laga Joogo.
Imaanshiyaha Waftigan ayaa kusoo beegmaya xilli ay halkaas ugu sii horreeyeen Wafti Ballaadhan oo kasoo jeeda Somaliland oo ay xubno kamid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Wasiir Xaglo-toosiye, waxana ujeeddadoodu tahay ka qaybgalka Caleemo saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo maanga loo ballansan yahay caleemo saarkiisa.
Sidoo kale waxa Halkaas ku sugan Cali Khaliif Galaydh oo sheegtay inuu madaxweyne u yahay Khaatumo ooh ore ciidanka qaranku deegaanada Bariga Dalka uga baacsadeen, waxana la filayaa in Munaasibadda Caleemo saarka ay saddexdan wafti ee kala siyaasadda ahi hadallo ka jeedin doonaan.
Mudane Camey oo Markii uu halkaas kasoo degay hadal kooban jeediyey, ayaa sheegay inuu dib udhigan doono hadalladiisa xagga siyaasadda la xidhiidha, kuwaas oo la filayo inuu maanta jeedin doono,
“Is waraysigeena siyaasaddu waa inoo danbayn doonaa, inagoo midaysan oo mid ah aynu hareeraha iska wada taagno sidii Caleemasaarka Garaadku inoogu qabsoomi lahaa sida ugu saraysa, qofkasta oo reer Cayn ahi waa in uu ogaadaa in uu yahay Danjire u taagan sidii uu xil isaga saari lahaa martida sharafta leh ee maanta martida inoo ah, iyo sidii ay guul inoogu dhamaan lahayd xaflada caleemo saarku” ayuu yidhi, Madaxweyne Xigeenka Puntland.
Wasiir Xaglo-toosiye oo shalay lagu soo dhaweeyay Buuhoodle, ayaa ka digay in la siyaasadeeyo caleemo saarka Garaadka “Waxaanu idiinka mahad-celinayaa sida sharafta leh ee aad noo soo dhawayseen, waxaanu Buuhoodle u nimid Caleemo-saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe. Xukuumadda Somaliland haddanu nahay raali-baanu ka nahay Caleemo-saarka Garaadkan inay dhacdo, waanu soo dhaweynaynaa, waanu taageersanahay sidaasanan u nimid Buuhoodle.” Ayuu yidhi Xaglo-toosiye mar uu ka Hadlayey Tegitaankooda Magaalada Buuhoodle.
Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo-toosiye waxa kale oo uu sheegay in safarkoodani aanu la xidhiidhin arrimo Siyaasadeed, waxaanu yidhi “Siyaasad umaanan iman, waa Madal dhaqan, Qofna ka yeeli-mayno inuu Siyaasad la yimaaddo Caleemo-saarkan, markay Munaasibaddu dhamaato, waxaan farayaa Siyaasiyiinta u yimid Caanu-shubka Garaadka inay dib ugu noqdaan meelaha ay ka yimaaddeen.”
SDN/QJ
