Muqdisho:Jan,17,2015(SDN/QJ)-Digniino uu hore Baarlamaanka Somalia ugu Gudbiyey Ra’isal wasaaraha ayaa u muuqda qaar meelmaray, kadib markii la xaqiijiyey inuu Ra’isal wasaaruhu waxka beddelo Golihiisa wasaaarada oo mucaarad badan kala kulmay Shacabka iyo Golaha Baarlamaankaba.
Mudane Sharma’arke, ayaa la sheegayaa inuu madaxweynaha la meeldhigay isbeddelkaas tallaabadaas isbeddel uu doonayo, isla-markaana uu ku raacay, balse xubnaha shaqada laga joojinayo ayaan si fiican la iskugu raacsanayn sida ay qurbejoog.com warka ku helayso.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa go’aankaan qaatay markii qaar ka mid ah Golaha Wasiirada uu ka codsaday inay is casilaan, si loogu soo buuxiyo xubno kale, oo aan lala xidhiidhin Urur Diimeedka Dam Jadiid, laakiin ay ka biyo diideen.
Xubnaha Baarlamaanka dhexdiisa aan Kalsoonida badan ku lahayn, isla-markaana la aaminsan yahay inay xuddun u ahaayeen Khilaafkii dumiyey xukuumaddiii hore ayuu Ra’isal wasaaruhu damcay inay si iskood ah qaarkood xilkaas uga tanaasulaan balse waa ay ka Gows adaygeen, waxana taasi keentay inuu Ra’isal wasaaruhu Go’aansado inuu xubnahaas shaanada mariyo ka hor inta aan Baarlamaanka la horgeynin.
Xubnahan Iscasilaada loogu baaqay, isla-markaana la filayo in qaarkood meesha ka baxaan ayaa waxa kamid ah:
C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federalka, C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Wasiirka Amniga iyo Xuseen Cabdi Xalane, waxana la filayaa in ugu yaraan laba kamid ahi meesha ka bixi doonaan, iyadoo sidoo kale xubnaha kale ee taageerada u hayey Ra’isal wasaarihii hore oo haatan lasoo magacaabay qaarkood laga takhalusi doono.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si dirqi leh ku aqbalay go’aanka uu u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha, xilli Xildhibaanada ay sheegeen inaanay waxba ka bedeli doonin mowqifkooda adag, ee ka dhanka ah Golaha Wasiirada.
Wararka saaka nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaruhu uu qoray warqad uu Baarlamaanka kaga codsanaayo, in fursad loo siiyo wax ka bedel uu ku sameeyo Golahiisa Wasiirada, isla-markaana ay sii shaqeeyaan ilaa laba toddobaad oo dambe.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa warqada ku xusay in la hakiyo qorshihii Sabtida codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Wasiirada, bacdamaa uu qaatay go’aanka ah in wax ka bedel uu ku soo sameeyo Golaha Wasiirada. Hase ahaatee warqada kuma aanu sheegin in uu kala diri doono Wasiirada.
Cumar C/rashiid, ayaa waxaa la aaminsan yahay in cadaadis badan ka dib uu daadka ku dari doono Golaha Wasiirada qaarkood, si uu bulshada Somaliyeed iyo caalamkaba ugu muujiyo, in Dowladdiisu ay tahay mid wadaag ah.
SDN/QJ
