Nairobi:Jan,21,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Kenya, ayaa ka Raalligelin Ka Bixisay sunta indhaha ka ilmaysiisa oo ay ciidankeedu dhawaan u adeegsadeen arday mudaharaadaysay.
Joseph Nkaissery oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa raalligelintan Bixiyey Maalintii shalay, waxana uu si gaar ah ah raalligelintaas ugu diray Ardaydii Suntan lagu buufiyey.
Dibad-baxa ayaa bilawday markii shirkad dhimse uu la wareegay lahaanshaha barxaddii ciyaaraha ee Dugsiga Hoose ee Lang’ata ee u dhaw Maddaarka Caalamiga Wilson ee Nairobi.
Qiyaastii 100 carruur ah, oo inta badan da’doodu u dhexeyso 8-13-jir, iyo tiro yar oo dhaqdhaqaaqayaal ah ayaa jabiyay darbi barxadda ciyaaraha ka jarayay dhismaha iskuulka.
Ugu yaraan shan carruur ah ayaa la daweeyay Isniintii kadib markii 40 bilays hubaysan oo ay weheliyeen eeyda bilayska ay tuureen gaaska indhaha kaga ilmeeysiiya si ay u kala yaaciyaan dibad-baxayaasha.
Dhawr iyo toban carruur ah ayaa ku neef-xidhmay qiiqii gaaska indhaha kaga ilmeysiiya ka hor intii aan lagu khasbin in ay maciinsadaan buundada dadka lugaynaya maraan oo dul marta waddada weyn si ay uga baxsadaan gaaska wax dhibaateeya.
Ciyaalka ayaa qaylinayay iyada oo askarta bilayska oo ku labisan dharka looga hortago rabshadaha isla markaana walfinaya budad ay dib u riixeen, iyada oo qaarkood argagexeen intii ay raadinayeen biyo ay ku maydhaan indhahooda gaasku gubayo.
Nkaissery ayaa ku amray shirkadda wadday dhismaha lagu muransan yahay in uu burburiyo inta ka hadhay darbiga daaradda ah qashinkana ku nadiifiyo 24 saac gudohood.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay dhacdada mid “laga qoomameeyo” waxana uu sheegay in aanay ahayn in bilaysku soo dhex-galo arrinkaa.
Kenyatta ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Dhulka, Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka iyo Komishanka Dhulka Qaranka in ay ku fashilmeen xallinta muranka dhuleed, waxana uu sheegay in labadaa hay’adood ay mas’uul ka noqonayaan wixii dhacay.
Waxa uu sidoo kale su’aal galiyay kaalinta maamulaha iskuulka, isaga oo sheegay in ayan ahayn in carruurta loo oggolaado in ay ka qayb-qaataan mudaharaadka.
Sii haya Isbatooraha Guud ee Bilayska Samuel Arachi ayaa sheegay in shaqadii laga joojiyay taliyihii mas’uulka ka ahaa hawlgalka iyada oo taliyayaashii hoggaaminayayna lagu amray in ay soo gudbiyaan.Guddoomiyaha Hay’adda Madaxa-bannaan ee Ilaalinta Bilayska (IPOA) Macharia Njeru ayaa sheegay in IPOA ay baadhi doonto arrinka. “In carruur lagu tuuro gaaska indhaha kaga ilmeeysiiya in aanay ahayn wax la aqbali karo,” ayuu yidhi.
SDN/QJ
