Muqdisho:Jan,21,2015(SDN/QJ)-Sida lagu sheegay Shabakadaha gaarka u ah Militeriga dalka maraykanka, waxa socda qorshe Maraykanku Ciidanka AMISOM Ku siinayo tiro gaadiid casri ah oo aanay miinadu Karin.
Qoraalka laga soo dheegtay Shabakadahan maraykanka, ayaa sheegaya in ugu yaraan 20-kamid ah Gaadiidkaas dhawaan lagu wareejin doono AMISOM, iyadoo gaadiidkaas Magacooda lagu sheega MRAPS, waana gaadiid aan hore loo keenin qaaradda Afrika.
Uganda iyo Burundi oo iyagu qeyb ka ah ciidamadaasi ayaa heli doono gawaadhidaasi oo hore ay askarta Mareykanka ugu soo isticmaaleen dalka Afgaanistaan howlgalka ay ka wadaan.
Maj. Gen. Wayne Grigsby oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in arintani ay kala kaashan doonaan shirkado qalabka Militeriga soo saara,sarkaalkaasi waxa uu cadeeyey in ay doonayaan in ay dhamaystiraan sameynta joogitaankooda Soomaaliya iyo sidii looga takhalusi lahaa waxa uu ugu yeedhay dagaalka lagula jiro argagexisada Africa.
Sarkaalka mareykanka ee dhanka qorsheynta ciidamada kaga sugan Soomaaliya Maj. Myesha DuBose, ayaa aaminsan in hore aanay ula socon dhibaatooyinka ay wajahayso Muqdisho balse markii la helay dhul balaadhan oo lagala wareegay Al-shabaab ay suurta galisay in gawaadhidaan ay keeni karaan Soomaaliya.
Dhamaadka bishan ayaa la filayaa in lagu soo wareejin doono gacanta ciidamada AMISOM sida warbixintaas lagu sheegay.
SDN/QJ
