Caira:Feb,03,2015(SDN/QJ)-Kadib Dhawaaqyo kala duwan oo Bulshada caalamka kaga soo horjeedo dilal Militeriga dalka masar gacanta ku hayaa ku rideen Dad badan oo katirsan Ururkii dalkaas masar ka talin jirey ee Ikwaanka, ayey Haatan Maxkamadi Dib u dhigtay dilkooda.
Tirada Dadaka hore xukunka dilka ah loogu riday oo ahayd 183 ruux oo lagu eedeeyey ku lug lahaanshaha weerar laba sano ka hor lagu qaaday Saldhig ciidan, ayaa fulinta xukunkooda dib loo yara dhigay.
Dadkan ayaa loo haystay dhimashada 11 askari oo ka tirsanaa ciidamadii ka howlgalayay saldhigga Kerdasa. Weerarkan ayaa dhacay kadib markii ay ciidamada Milatariga dalka Masar ay kala eryeen taageerayaasha madaxweynihii la afgambiyay ee Mohamed Morsi bishii July.
Boqolaal taageerayaasha Morsi ah ayaa lagu xukumay dil toogasho ah balse ma jirto qof lagu fuliyay xukunadaas. Morsi ayaa markale maxkamad la soo taagayaa 15ka bishan February sida ay shaacisay wakaalada wararka dalka Masar ee Mena.
Maxkamadan ayaa sidoo kale la soo taagayaa dad gaadhaya toban ruux kuwaasoo loo haysto inay sir muhiim ah ay siiyeen dalka Qadar iyo shirkada warbaahinta ee al-Jazeera taasoo xarunteeda ay ku taal dalka Qadar.
Sidoo kale Mr Morsi ayaa loo haystaa eedeymo kale kuwaasoo ay ka mid tahay curyaamin, waxaana dhici karta in lagu xukumo dil haddii lagu helo dambiga.Inkabadan 140 ruux oo ka mid ah 188-da ruux ee lagu eedeeyay weerarkii lagu qaaday Kerdasa ayaa xabsiyada ku jira halka inta kalana la xukumay iyagoo maqan.
Xukunada dilka ah ee lagu riday dad gaadhaya shan boqol oo ruux dalka Masar ayaa waxaa eedeyn ay ugaga timid Qaramada Midoobay.
SDN/QJ
