Yoontoy:Feb,03,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan laba Diyaaradood oo nooca wax duqeeya ah, ayaa la sheegay inay duqaymo ka fuliyeen deegaanka Yoontooy oo qiyaastii 20km u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose .
Badhtilmaameedka ayaa ahaa Saldhigyo Kooxda Al-shabaab ku lahaayeen Halkaas, waxana aan la xaqiijin cidda iska lahayd Diyaaradahaas Duqaymaha Geystay, marka laga reebo sheegasho katimi dhinaca maamulka Kismaayo oo sheegay inay AMISOM weerarkaas qaadday.
Taliyaha ciidamada Jubaland ee aagaas Col.Mursal Geedi oo arrinta duqeynta ka hadlaayay ayaa sheegay in Maleeshiyada Alshabaab uu weerarkaani duqeynta ahaa kasoo gaadhay Khasaaro kala duwan.
Waxa uu sheegay in laga gubay gaadiid dhowr ah islamarkaana laga dilay Saraakiil iyo dagaalyahaano badan, inta ay duqeynta soctay.
Deegaanada duqayntu ka dhacday ayuu korneelku ku sheegay inay kamid ahaayen Yoontooy, Xaaji weyne iyo deegaano kale.
Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in diyaaradaha duqaynta fulinaayay ay ahaayen kuwa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya.
Kooxda Al-shabaab ayaa wali ka hadlin weerarkan, waxase xusid mudan inuu weerarkaasi khasaare Geystay, iyadoo dadka goob joogga ahaa sheegeen inay Shabaabku hub culus kaga jawaabeen Weerarkaas lagu qaaday.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
