Mousil:Feb,03,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Ururka Daacish, ayaa qaybisay Kumanaan Lebiska Xijaabka ah ee Haweenka Muslimiinta ahi xidhaan, kaas oo ay ugu talogaleen Dumarka Muslimiinta ah ee Deeganadaas ku nool.
Kooxda ayaa waxa ay Barta Twetter-ka kusoo daabacday Sawiro badan oo muujinaaya qeybinta Labiska dumarka oo ay siinayaan Xaasaskooda ku nool Syria gaar ahaan kuwa soomaalida iyo Britain-ka oo ay dhawaan guursadeen.
Dharkani ayee ku sheegeen inay ugu talo galeen Xaasaskooda ka yimi wadamada Yurubta ee heysta dharka aan asturnayn, waxa ayna isugu jiraan Indha shareer, Xijaab iyo Goonooyin nooca adag.
Xijaabada ayaa waxa ay ka qeybiyeen Gobolka Neynuwe oo gabi ahaan ku jirta gacantooda, iyagoona sidoo kale halkaasi ka furay Hoolal waaweyn oo ay ku toshaan dharka ciidanka iyo kuwa dumarka.
Talaabadani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay qaadan, waxa uuna Ujeedkoodu yahay inay siiyaan Dumarka, gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo wadamada kale kasoo jeeda ee uga soo haajiray wadamada Yurub, Ameerika kuwaasi oo badi wata lebisyo iyo dhar aanai Daacish u arag munaasab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
