Hargeysa 20.March 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muunin Seed, ayaa soo dhaweeyay cid kasta oo xisbigaas ka tirsan oo kula tartamaysa musharax madaxweyne ku xigeenka xisbigaas.
Waxanu sidan sheegay kadib markii ay soo baxeen siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbigaas isla markaasna doonaya inay isku sharaxaan jagada musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaas,waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaayay uu yidhi “Anigu waxaan diyaar u ahay oo aan idiin cadaynayaa aniga oo ku fadhiya kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaan ka mid noqon doonaa musharaxiinta, cid kasta oo kurisiga musharaxa madaxweyne ku xigeenka igula tartanta waan soo dhawaynayaa, waa uu furan yahay tartanku xisbiguna waa mid dimuqraadi ah.”
Waxa soo badnaaya masuuliyiinta u tartamaysa jagada musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani, iyada oo aanay wali muuqan cid kula tartamaysa musharaxa madaxweynaha ee Waddani guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro
