Uncategorized

Sarkaalkii Dawladda Kenya Ka Tirsanaa Ee Shalay Shabaabku Afduubteen Oo Xalay La Dilay

Baardheere:April,24,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Deegaanka Baardheere oo saldhig u ah Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegaya in Xoogaggu Dileen Mukhtaar Maxamed Macalin Ibraahim (Muktar Otieno), oo la tilmaamay inuu ahaa Gudoomiyihii Deegaanka Carabiya, oo qiyaastii 30km u jirta Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

sitXoogaga Al Shabaab, ayaa Khamiistii ninkaasi kala degay gaadhi uu la socday, xilli uu ka amba baxay Carabiya, kuna sii jeeday Mandheera.

Wararku waxay sheegayaan in gelinkii dambe ee Khamiistii meydkiisa laga helay xadka Somaliya iyo Kenya, iyadoo aan si rasmi ah loo garanayn waxa keenay in la dilo.

Warbaahinta Kenya qaarkood, ayaa waxay baahiyen in Shabaabku ay Dowladda Kenya weydiisteen lacag madax furasho oo dhan afar milyan lacagta Kenyan ah (Ksh), isla-markaana ay Dowladdu Kenya ka dhego adeygtay.

Kenya iyo Shabaab wax war ah kama aanay soo saarin wararka la xidhiidha dilka Muktar Otieno, waxaase suurta gal ah in saacadaha soo socdo ay ka hadlaan.

Wakiilka Deegaanka Carabiya ee Baarlamaanka Kenya C/raxmaan C/laahi C/raxmaan, ayaa Al Shabaab ku eedeeyay inay iyagu qafaasheen Sarkaalkaasi, ka hor intii aanay soo bixin wararka sheegaaya in la khaarajiyay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Somalidiasporanews.com