Uncategorized

Hawlgallo Aan Hore Loo Arag Oo Ciidamada Ammaanka Puntland Ka Sameeyeen Gudaha Magaalada Garowe

Garowe:April,24,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland, ayaa Xalay Hawlgallo aan hore loo arag ka fuliyey Gudaha Magaalada Garoowe, iyagoo si gaar ah u badhtilmaameedsaday Goobaha hutellada ee la seexdo iyo gaadiidka Waddooyinka Maraya.

qaelCiidamo tiro badan oo xalay Fiidkii hore lagu soo daadiyey Badhtamaha Magaalada, ayaa Bilaabay inay Xaafadaha iyo Waddooyinka ku faafaan, waxana baadhitaano badan la mariyey Hutellada Hurdada, iyadoo Mulkiilayaasha iyo shaqaalahana su’aalo kala duwan laga weydiiyey Dadka Goobahaas Hurda.

Sidoo kale Dadka saaran Gaadiidka waddooyinka Magaalada Isticmaalaya, ayaa baadhitaanno badan la marinayey, waxana la weydiinayey Su’aalo tiro badan oo la xidhiidha ujeedadda socdaaalkooda, gaar ahaan kuwa Magaalada kasoo gelaya Kantaroollada kala duwan.

Arrintan oo ah mid Magaalada Ku Cusub  ayaa la filayaa inay daba socotay Qarax saamayn ballaadhan yeeshay oo dhawaan lagu qaaday Shaqaale Qaramada Midoobay u shaqaynayey oo Gudaha Garowe Lagu Laayey.

Xoogagga Shabaabka, ayaa cabsi weyn ku Haya Maamulka Puntland, waxana ay siyaabo kala duwan u laayeen Saraakiil xukuumadda ka tirsanayd, iyagoo si qaawan u weerarra Goobo Magaalooyinka ku yaalla, gaar ahaan Magaalada Bosaso, ayey inta Badan Weerarradu ka dhacaan.

Saaka wali lama oga Hawlgalkii xalay oo ahaa mid balaaran cida lagu soo qabqabtay, waxaana Hawlgalkii xalay maanta siwayn looga hadal hayaa gudaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Somalidiasporanews.com