Uncategorized

Saameynta Dagaalka Yaman uu Soomaliya Ku Yeelan Karo

Kacdoonkii ka dhacay dalka Yaman 2011 kii xukunkana looga tuuray Cali Cabdalla saalax waxuu soo dadajiyaya in ay awood dareyso dowladii dhexe ee yaman taasi uu udub dhexaad u ahaay Cali Cabdalla Salaax.

Ka dib la wareegidii xuuthiyiinta Sanca sanadkii hore,  Yaman waxa ay gashay waji cusub oo dagaal wajiyo badan leh  kaasi oo markii danbe keentay in ay soo faragaliyaan dowladaha khaliijka ka dib markey arkeen in Yaman la wareegtay Xuuthiyiin taageero ka helaayo Iiraan, masaalixdoodiina khatar gashay

Dowlada somaliya waxa ay mooqif cad ka istaagtay dagaalka Yaman iyada oo si degdeg ah bayaan uga soo saartay maalin ka dib markeey duqeynta bilaabeen isbaheysiga uu hogaaminayo boqortooyada Sacuudiga

Bayaanka ka soo baxay wasaarada arimada dibada ee somaliya 27 maarso l 2015 ayaa lagu sheegay in somaliya ay taageersantahay dagaalka  dowladaha khaliijka qaadeen ee sharciyada madaxweyne Cabdi rabi mansuur ku taageerayaan, shacabka somaliyeed iyo dowladiisaba waxey garab sitaaganyihiin midnimada walaalahooda rer yaman  waxaana wadaagnaa  xiriir dheer oo soo jireen ah dhaqan dhiig iyo xuduud badba.

Dowlada somaliya waxeu diyaar la tahay dhulkeeda  hawadeeda iyo dekedaheedaba in la adeegsado, laguna difaaco midnimada umada rer Yaman lagana hortago kooxaha argagaxisada ee ka dagaalamayo dalkaasi.

Go`aanka dowlada Somaliya waxa uu khatar galiyay Somali badan oo ku nool dalkaasi Yaman ku waasi oo iskugu jiro arday dad degen mudo dheer iyo qaxooti waayo waxaa loo fasirtay in somaliya dagaalka ay qeyb ka tahay sibaheysiga Sacuudiga uu hogaaminayana ay la safantahay.

Dhanka kale go`aanka dowlada somaliya ay ku taageertay dagaalka  isbaheysiga sacuudiga uu hogaaminayo ku qaadeen dalka yaman waxuu ahaa mid ka hortag u ah in aan lagacan bidixeynin dowlada somaliya loona soo daba marin maamulada ka jiro Somaliya ee Somaliland iyo puntland oo labaduba xuduud badeed la leh Yaman, ayaduna ay tahay mida sharciga ah ee wax laga weydiinayo hadii loo baahdo dhulka bada iyo hawada somaliyeed fariintaasi oo sifiican u fahmeyn dowladaha isbaheysiga dagaalka ku mideysan.

Somaliya waxa ay wadaagaan Yaman dhibaatooyin fara badan iskuna eg sida Qabyaalada, kooxaha ku xiran Al-qaacida, awood darrada dowalada dhexe, gobollada in ay go`aan rabaan, Musuqmaamusaqa , Saboolniada baahsan , cunista Qaadka iyo dowladnimada oo labada shacaba fahan khaldan ka heystaan.

Somaliya iyo Yaman waxaa ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo aad u xoog badan sanad kasta waxaa loo dhoofiyaa dalka Yaman xoolo aad u tiro badan isugu jiro Geel Lo` iyo ari, ganacsigaan ayaa aad u sii xoogeysanayay sanadihii ugu danbeeyay ayadoo lagu qiyaasay in Yaman sanad kastaba gaaraan xoolo hal malyan oo neef ah, tiradaas waxey aheed mid u sharaxan in ay siyaado sanadada soo socdo, dhanka kale somaliya waxa ay ka soo dhoofsataaa dalka yaman badeeco aad iyo tira badan iyo shidaad, Somaliya xoolaha ay u dhoofiso Yaman waxaa ka soo gali jiray dhaqaalo aad u badan nolosha iyo dakhliga shacabka Somaliyeedna kor u qaaday maantase waxa  uu  u muuqdaa mid istaagay ama istaagi rabo dagaalka sokeeyo ee la holcayo dalka Yaman dartiis.

Dhanka kale dalka Yaman waxaa yaalo hub aad u tira badan gacanta shacabkana ku jira  iyada oo dowlad ka jirto dalkaas ayuu hadana ahaan jiray isha ugu badan ee hubka somaliya ka soo galo, waxaana ka jiray labada dal ganacsi sharci daro oo dhanka hubka, si dhuumashaalna looga keeni jiray Yaman.

Maanta qaska Yaman ka bilowday waxa ay keentay in hubkii dowlada uu galo gacanta shacabka hubkaasi oo aad u tira badan waxaana meesha ka baxay kala dambeyntii iyo sharcigii, waxaana burburay ilaaladii xuduudaha Yaman ka jirtay, taasi waxey saameyn weyn ku yeelan doontaa Somaliya oo awalba ilaalo xuduud laheen.

Taasi waxa ay keeni doontaa in hub aad u tira badan  ku soo qulqulo Somaliya, hubkaasi oo isugu jiro mid culus iyo mid fududba,  horeyna Somaliya loo keenin, waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa xaalada somaliya oo awalba iska liidatay amni fiicana uusan ka jirin.

Hubkaasi halista ah ururada uu gacantooda galay waxaa ka mid ah Al-qaacidada Yaman  oo bilaawday in ay ka faaiideysato burburka ku dhacay ciidamada Yaman waxaana sii xoojiyay isballaarinta falaagada Xuuthiyiinta ay sameeyeen, taasi oo keentay in Al-qaacidada Yaman taageero ka dhex hesho qabiilada Yaman ee Sunnada ah.

Al-qaacidada Yaman waxey bilowday in ay isku balaariso dhul badan oo ka tirsan koofurta Yaman, arintaasi waxa a saameyn weyn ku yeelan doontaa Somaliya oo darisna la ah Yaman waayo Alqaacidada Yaman iyo xarakada Shabaab waxaa ka dhaxeeyo xiriir xoogan iyo abtirsiino, Somaliyana waxaa jooga dagaalyahanno Alqaacida ah oo isugu jira ajaanib iyo kuwa rer yaman kana barbar dagaalamayo Alshabaab, khibradna ku siyaadiyay dagaalka  ay ku jirto xarada Shabaab, maantana waxaa u suurta galeyso in ay helaan hub culus siiba gantaalada taangiyada lagu la dagaalamo, taasi waxey keeni doontaa in dagaalka somaliya wax iska badalo xarakada shabaabna soo xoogeysato iyo  in marlabaad isbalaaris bilaawdo ayadoo heleyso hub iyo gurmad uga yimaado dalka Yaman eynu dariska nahay, xarakada Shabaab waxey ku goodisay 2010 kii in dagaalyahano u diri doonto dalka Yaman markaasi oo  dagaalo adeg ka socdeen una dhaxeeyay ciidamada Yaman iyo alqaacidada Yaman, maanta hadey xoogeysato alqaacidada Yaman waxaa hubaal ah in ay somaliya u soo diri doonto dagaalyahano khibrad leh iyo hub si ay u garab siiyaan ururka Alshabaab, dowlada somaliyana ma awoodo in ay ilaaliso xeebta somaliya ee lagu tiriyo xeebaha afrika kuwooda ugu dheer taasi waxey fududeen doontaa in hub iyo dagaalyahano ka yimaadaan Yaman soona gaaraan Somaliya.

Dhanka kale hadii uu dagaalka yaman sii xoogeysto waxaa hubaal ah in somaliya ay kusoo qulqulidoonaan mawjado qaxooti rer Yaman ah ku waasi oo ka soo cararayo dagaalka, taasi waxa ay saameyn weyn ku yeelan doonta nolosha shacabka Somaliyeed, maanta Shacabka somalieed ayagaa tooda u yaaban dal iyo dibadba tabaaleysan qaxootina ah saboolnimana u sii dheertahay, in qaxooti badan somaliya ku soo qaxaan waxey uga sii dareysaa xaalada somaliya ee dhaqaalo darada iyo nolol xumaba  awal ka taagneed, xaalkuna waxuu noqon doonaa adigoo harsan waayay malaguu soo hargalay, sidoo kale waxa ay wax u dhimeysaa amniga iyo caafimaadka, waayo dadkaani waxaa ku soo dhex dhuuman karro dagaalyahano Alqaacida ah rabana in ay ku biiraan Xarakada Shabaab weyna adkaan in laga hortago, sido kale waxaa soo dhex gali karo qaxootiga soo qaxayo dad qabo cuduro khatar ah si fududna lagu faafin karo, somaliyana maleh  fayo-dhoor iyo dad u diyaarsan xaaladahaas oo kale.

Saameynta dagaalka sokeeyo ee Yaman ku yeelan karo Somaliya waxaa ka mid ah Yaman waxaa ka jiro ururo u dhaqdhaqaaqo in koofurta Yaman dalka intiisa kale laga jaro, ururadaas in muda ahba waxey wadeen mudaaharaad ay ku dalbanayaan in ay ka go`aan dalka yaman, ayagoo la baxay DHAQDHAQAAQA KOOFUREED  balse Cali cabdalla saalax awood buu u sheegan jiray asagoo gacan bir ah ku qaban jiray, maantase waxuu ilaahay qadaray in ay noqdaan kuwa la dagaalamayo Xuuthiyiinta iyo ciidamada Cali Cabdalla Saalax kana hor istaagan in ay qabsadaan koofurta Yaman ayagoo taageero hub iyo dhaqaalaba ka helaayo dalalka khaliijka.

Dadka rer koofureedka Yaman waxa ay tabanayaan dulmi badan oo loo geystay cadaalad daro ku dhacday kheeraadkii Yaman sida ceelasha shidaalka waxa ay ku yaalaan gobolada koofureed, sidaas ay tahayna koofurta Yaman waa meesha ugu Saboolsan uguna tacliin yar dalka Yaman dulmiga lagu sameeyay dartiis, maantase waxaa laga cabsi qabaa hadii ay ku guuleystaa in ay iska saaraan Xuuthiyiinta iyo Cali Cabdalla saalax ciidamooda, in ay ku dhawaaqaan gooni isku taag kana laabteen midnidii ay la galeen waqooyiga Yaman, Sidoo kale ururka Xuuthiyiinta hadii laga adkaado waxaa laga yaabaa ayagana in ay goboladooda ku laabtaan kuna dhawaaqaan in ay ka go`een Yaman inteeda kale.

Taasi hadii ay dhacdo waxa ay dhabar jab ku tahay somaliya iyo midnimadeedii oo saameyn weyn ku yeelan doonto waxaana sii xoogeysan doono raadiska ay ugu jirto Somaliland in la aqoonsado, waxaana soo baxi doono maamulo ayagana qaado wadii Somaliland iyo koofurta Yaman qaadeen ayagana dhankooda uga dhawaaaqi doono rabitaankooda in ay somaliya ka go`ayaan.

Gunaanadkii maqaalkeyga hadii uu sii socda dagaalka Yaman waxaa hubaal ah in uu isku badali doono dagaal gobol kaasi ay ku lug yeelan doonaan dowlada badan hadii uuba isku badalin mid caalami ah, somaliyana waxaa loo baahan doonaa hawadeeda badeeda iyo dhulkeedaba si dagaal looga qaado, taasi oo keeni doonto in dabka somaliya ayadana soo gaaro.

 

Qore : Axmed Muxumed Cabdullahi ( Bukaari )

E-mail : axmad2@hotmail.com

Qaahira Masar