Uncategorized

SADEXDA XISBI QARAN EE S/LAND HOGAAMIYAASHOODU MA KU DAYAN DOONAAN HOGAAMIYAYAASHA XISBIYADA UK EE IS CASILAY HADII AY KU GUULDARAYSTAAN DOORASHADA WADANKA KA QABSOOMI DOONTA

Shacabka S/land & saxaafadaba waxaan ku salamayaa salaanta  Islaamka ASCW. Intaa Ka dib waxaan qalinka u holoday in wax Ka idhaahdo fikirkayga Doorashadii Ka dhacday Wadankan UK oo aan is leeyahay waxay tusaale fiican u noqon doontaa hogaamiyaasha sadexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriyada S/land.sida aad kawada warqabtaan waxa maalmahanba socday doorashadii Wadanka UK iyadaoo ay maalintii u danbaysana ahayd maalintii Khamiistii 07/05/15. Waxa tartanka Ka qayb galayay Xisbiyo badan waxaanse Ka soo qaadanaya sadexda ugu awooda badan oo kala ah Conservative,Labour,Liberal,Ukip.Etc
Shacabka reer Britain ama dadka siyaasada Ka faalooda waxay in badan Saadaaliyeen in aan wax badan lagu kala badin doonin ama ay barbardhac noqon doonaan. Iyadoo waliba shacabku ay in badan odhan jireen waxaan u baahanahay is bedel,Isbedelkuna aynu ognahay in uu yahay Ka keena horumarka iyo higsiga umada. Hase yeeshee markii lagu dhawaaqay Natiijadii doorashada waxa isla markiiba hambeelayay hogaamiyaha talada imika gacanta ku haya David Cameron oo mar labaad ku guulaystay in uu sii fadhiyo Xafiiska 5 ta sano ee socota dhamaan Xisbiyadii kale iyagoo taageerayashoodii & Xisbiga u sheegay in ay Ka xun yihiin sida guuldaradu u soo gaadhay Hogaamiye kastaana uu dusha ku qaatay guuldarada Xisbiga soo gaadhay.Waxa kale oo ku dayasho & Xusid  Mudan waxa markiiba xilkii baneeyay ama is casilay Eid miliband,oo ahaa Hogaamiyihii Xisbiga Loubarka , Nick Clegg  oo ahaa hogaamiyihii Xisbiga liberalka,Nigel Farage oo ahaa Hogaamiyihi Xisbiga UKip .(Con 331,Lab 232,LD,8,Ukip,Snp,56,Oth,23).taasi waxay ku tusaysaa in Xisbi waliba uu dib u soo dooran doono nin Cusub oo uu is leeyahay wuxu Ka iibsami karaa Xisbiga markaa soo doortay. Hadaba markii Wadanka S/land ay Ka hano qaadeen habka Asxaabtu waxay 2000 & wixii Ka danbeeyay, habkaas aynu islahayn waxaynu kula talaabsami doona caalamka.ama wadamada horumaray. Laakiin waxa ayaandaro ah in sedexdii Xisbi Qaran ee Wadanka Ka unkamay wali hogaamiyaylaal u yihiin ninkii marka asaasay Tusaale waxa inoogu filan Xisbiga Kulmiye sidii loo unkamay waxa Gudoomiye Ka ahaa Mudane Ahmed Maxuud Siilaanyo ilaa intu Madaxwene Ka noqonayay . Ka dibna uu wareejiyay markuu uu ku guulaystay Xilka Madaxweynimad Jamhuuriyad S/land. Xisbiga Ucid oo Xisbi facwayn sidii loo yaglleelay Waxa Gudoomiye Ka ahaa Mudane Faisal Cali Waraabe oo tartamey Laba jeer Jagada Mataxtinimada ilaa hadana ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Xisbiga Ucid, Xisbigii Udub waxa Hogaamiye Ka ahaa ilaahay Naxariistii Jano ha Ka waraabiyee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ahaa Madaxweynihii S/land . Geeridiisa Ka dib waxa hogaanki Xisbiga la wareegay Madaxweyniihi S/land Mudane Daahir Riyaale kaahin ilaa intuu baabayayna ahaa Gudoomiyiha Xisbiga Udub.Waxaan Maqaalkayga ku soo afmeerayaan Hogaamiyayaash Sadexda Xosbi Qaran  ama Musharax ma iska Casili doonan xilka xibiga u hayaan hadii ay ku guul daraystaan in ay guul u soo hoyn  waayaan Xisbigooda & taageerayashoodaba ?Musharaxa Xisbiga Kulmiye Madaxweynaha Talada haya Mudane Madaxweyne Ahmed Maxamuud Siilaanyo ,Musharaxa Xisbiga Ucid Mudane Jamal Cali Xuseen, musharaxa Xsbiga Waddani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi( Ciro).

Mustafa Ismail Ahmed (Kanadi)
Mkanadiuk@yahoo.co.uk