Uncategorized

Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dalka Yemen Ku Xanniban Oo Muddada Xabad-joojintu Socoto Lasoo Daabuli Doono

Muqdisho:May,12,2015(SDN/QJ)-Qaxootiga Soomaaliyeed ee wali ku xanniban Dalka Yemen oo dhibaato badani ka jirto, ayaa Maalinta Berri ah la bilaabi doonaa in lasoo daabulo, sida uu sheegay Qunsulka somalia Dalkaasi Yemen u fadhiya Cismaan Axmed Maxamed.

rerQunsulku, ayaa si rasmi ah u sheegay in Maalinta Berri ah oo maalinta koowaad ee Xabad-joojinta Shanta Cisho ahi Bilaabanayso ay qorsheeyeen inay soo qaadaan Dadka Soomaaliyeed ee wali jooga  Gudaha waddankaasi Yemen.

Caawa, ayaa waxaa la fillayaa in la dhaqangeliyo xabad joojin socon doonta muddo shan cisho ah, si gargaar loo gaadhsiiyo dadka reer Yemen ee saamaynta ballaadhanta uu ku yeeshay duqeymaha dalkaasi.

Isbaheysiga uu Sacuudiga horkacaayo iyo Maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta, ayaa waxay labaduba aqbaleen xabad joojin muddo shan maalmood ah.

Qunsulka Safaaradda Sanca oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa Somalida Yemen ku qiyaasay in ku dhow hal milyan oo ruux, laguna soo daad gurayn doono maraakiib ay Dowladda Somaliya u dirtay dalkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in Somalida Yemen loogu gurman doono sida ay u kala daran yihiin, iyadoo looga faa’iideynaayo shanta maalmood ee xabad joojinta, haddiiba ay dhaqangasho.

Dowladda Somaliya, ayaa waxay toddobaadyadii la soo dhaafay ay diiwaangelineysay tirada Somalida ku nool Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen, intoodu badanse waxay ku nool yihiin xerada qaxootiga ee Al-kharas.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com