Hargaysa 13.May 2015 (SDN/QJ)-Madasha wadatashiga toosinta Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa , ayaa dhaliilay muddo kordhintii shalay ay Golaha Guurtidu u samaysa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiilada, waxaanay sheegeen in Golaha Guurtidu ay sharci darro ku fadhiyaan.
Xasan Ciise Jaamac oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumaddu ay gabtay masuuliyadii ay shacabka u haysay “Waxaynu galay wakhti cidhiidhi ah oo Sharcigii wakhtigoo loo doortay Xukumaddan ay ka hadhsan tahay bil iyo laba todobaad. Waxay ahayd in Xukumaddu umadda u dhigto nidaam ay kala tashatay Xisbiyada iyo waxgaradka umadda oo la isla eegay oo lagu kalsoon yahay oo umaddu ku qanacsan tahay. Halkaas waxaa ka muuqanaysa in Xukumaddu hawsheeda gabtay. Marka Xukumaddu hawsheeda gabto waddanku wuu inaga dhexeeyaaye waa in inteena kale wax is waydiinaa waana in Xisbiyada Mucaaradka ah ee Sharciga ahi arrintaas hormood ka noqdaan,” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.
Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay “Guurtidu waxay kordhisay wakhti aan laga filayn oo aan looga fadhiyin oo dad badan oo inaga mid ahi xisaabtaba aanay ku darsan.haddii korodhsiimo lama huraan noqoto waxaa la filayay in wakhtigii Komishanka doorashooyinku cayimay lagu saleeyo. Waxay kordhiyeen wakhti laban laab ku dhaw intii Komishanku cayimay oo aan wax sabab ah oo Dastuuri ah oo ay cayimeen oo ay dadka u sheegeena ma jiro, markaas arrintaasi arrin argagax dad badan ku abuurtay bay noqotay, arrin aan loo baahnayn ayay ahayd.
Waxaanu markaa soo jeedinaynaa in Xisbiyada Mucaaradku gogol umadda u fidiyaan anaguna aanu ku taageerno, oo lagu wada tashado oo waxyaabo badan oo aasaasi ah oo Xukumaddani gabtay la is waydiiyo” ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.
Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi iyo xubno kale oo ka tirsan Madasha wadatashiga ayaa sheegay in muddo kordhinta Guurtidu u samaysay Xukuumadda Somaliland iyo Golaha Wakiilada ay tahay mid aanay aqoonsanayn, islamarkaana aanay sharci darro ku talaabsadeen.
