New York:May,13,2015(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Waddanka maraykanka, ayaa xukunno dheer ku ridday Saddex dhallinyaro soomaaliyeed oo muddo ku jiray Gacanta ciidamada booliska.
Dhallinyaradan oo laba kamid ahi haystaan Dhalashada waddanka Sweden, ayaa la sheegayaa inay qirteen dambiyada loo haysto,kuwaas oo ay kamid ahaayeen inay taageerayaal u ahaayeen kooxda Al-shabaab oo Reer Galbeedku dagaal kula jiraan.
Xeer ilaalinta Mareykanka ayaa sheegtay in dhalinyaradaasi ay doonayeen iney sameeyaan qorshooyin ay ku caawinayaan Alshabaab ka dagaalama dalka Soomaaliya, sida warbixin kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta lagu sheegay.
Saddexdooda ayaa xeer ilaalinta Mareykanka waxay sheegtay iney wajahayaan 15 sano oo xabsi ah iyo in laga musaafuriyo dalka Mareykanka, sida xubno xeer ilaalinta ka tirsan ay kaga dhawaaqeen magaalada New York.
Magacyada dhallinyaradan ayaa kala ah Mahdi Xaashi oo 25 sano jir ah kana tagay Soomaaliya, Cali Yaasiin oo 30 jir ah iyo Maxamed Yuusuf oo 32 sano jir ah heystana dhalashada Sweden, waxana lagu haystaa inay xubno Al-shabaab ka ahaayeen Sanadihii December 2008 ilaa 2012.
Xeer ilaalinta Mareykanka ayaa marar badan dacwado kusoo rogtay dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasi oo ku sugan Mareykanka qaarkoodna ay dib ugu laabteen dalka Mareykanka.
Xeer ilaalinta Mareykanka waxay sheegeen in Mahdi Xaashi uu xidhiidh dhow la lahaa Omar Xamaami oo loo yaqaanay Abuu Mansuur Al Amriki oo 2013 la dilay.
Maxamed Yuusuf ayaa dhankiisa la sheegay inuu kasoo muuqday muuqaal dhalinyarada lagu dhiirigelinayay iney Alshabaab kamid noqdaan.
SDN/QJ
