London May 13,2015(SDN/QJ)-Gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee Wadani iyo UCID Md Cabdiraxmaan Ciro iyo Md Faysal Cali Waraabe ayaa siyaabo kala duwan u leh qeyb ka mida masuuliyada dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliland .
Labada Guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka oo hore rafiiq siyaasadeed u ahaa ayaa isku dhacoodii ka dib ay xukuumadu uga faaiideysatay kala dhantaalka mucaaridka.
Labada Gudoomiye ayaa afartii sano ee u danbeysay ku hawlanaa sidii mid waliba uu ka kale uga dhawaan lahaa xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Halka xukuumada oo arinkan fahamtayna ay ciyaareysay door siyaasadeed oo kolba labada Gudoomiye mid ugu isticmaaleysay fulinta danaheeda siyasadeed.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadan isla markaana ah Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland ayaa la xusuustaa sidii uu Kylmiye ula safnaa mudadii doorashooyinka madaxweynaha, kiyoo xiligaa ahaa ku-xigeenkii UCID.
Waxa kaloo la xusuustaa sidii ay xukuumada Axmed Siilaanyo gacanta uga siisay isku daygii la wareegida xisbiga UCID ee dhicisoobay iyo soo saaridii ururkii Wadani.
Waxaa intaa u dheer Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro in mudadii afararta sanadood ee ina soo dhaaftay sidii Gollaha uu madaxda ka yahay ay xukuumada Axmed Siilaanyo u dhaafsatay xeerar shicibku cabashooyin ka soo jeediyeen.
Sidoo kale waxa iyana jirtay in Cabdiraxmaan Ciro uu madaxtooyada abaalgud uga helay mudo kordhinta Wakiilada.
Mudo kordhinta haatan mar kale loo sameeyay Gollaha uu Mr Ciro madaxda ka yahay ayaa u muuqata af wax cunay xishood, diidmada haatan ee mudo kordhintana waa mid ay dabada ka wadaan xubnaha sare ee xisbiga Wadani ee ma aha mid Guddoomiyahoodu 100% taageersan yahay.
Hadii Guddoomiyaha Wadani aanu raali ka aheyn mudo kordhin ha diido mudo kordhinta Gollaha Wakiilada ee uu Guddoomiyaha u yahay oo ha iscasilo.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa kolka laga yimaado xurgufta siyaasadeed ee u dhexeysa isaga iyo Cabdiraxmaan Ciro, waxa aaney isku saansaan banaaneyn Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen.
Sidoo kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo aan haatan aheyn musharax ayaa naawilaya taageero uu u helo sidii xisbiga UCID uu u hanan lahaa kooxaha ka yaacaya Kulmiye oo kula gorgortamaya in UCID yeelato musharac aan aheyn Jamaal Cali Xuseen.
Guddoomiyaha UCID ayaa gala dodo iyo gorgortan siyaasadeed oo Doorashooyinka ah kiyoon aan u muuqan in uu wada tashi buuxa la yeeshay mushariiinta xisbiga UCID, taas oo sababta dabacsanaan.
Goaamada siyasadeed ee uu qaato Guddoomiyaha UCID oo aan ku saleysneyn mowqifka goleyaasha xisbiga UCID ayaa keena isbedbedel iyo habacsanaan siyasadeed oo xukuumada Somaliland ay ka faaiideysato.
Si kasta oo ay tahayba xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa qudhooda u dhaqmaya sida xukuumada ay shicibka u sheegayaan in ay ka horyimaadaan.
Waxaana muuqata in labada Guddoomiye ee Wadani iyo UCID ay u baahan yihiin in ay muraayada isku eegaan oo ay qudhooda isweydiiyaan waxa ay ummadda ka dalbanayaan.
Labada Guddoomiye ee Wadani iyo UCID waxa ay mudaharaadyada iyo shir beeleedyada u dalbanayaan mudo kordhin ay sexeexeen, balse shan bilood ka badan tii ay ogolaadeen.
SDN/QJ-London
contact@qurbejoog.com
