Uncategorized

Huteel Shiraaqle,Fashilkii Mashruuca Weji Ku Macaash,Gadoodkii dhallinyarada,Gooli baadhkii Ciidanka Iyo Qaybsigii Lacagta SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 13.May 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Waran cadde ayaa saaka soo abaabulay koox Cuqaal ah oo waji ku macaasha ah, kuwaas oo la iskugu keenay hotel Shiraaqle ee Bariga Magaalada Hargeysa si ay uga daba hadlaan Cuqaal, dhalinyaro, waxgarad shalay shir jaraa’id ku qabtay isla hotel-kaas oo diiday muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumada Siilaanyo ee wakhtigeedu gabaabsiga ku dhaw yahay.
Kooxda ayaa markii ay damceen inay hadlaan waxaa weerar ku soo qaaday dhalinyaro ay cuqaal u yihiin oo diidan iska daba hadalka Beesha ay ka soo jeedaan ee (isaxaaq), waxaana goobtii isku rogtay fawdo iyo dagaal isla markaas Wasiir Waran cadde ayaa koox Boolis ah iyo TV-ga afka dawlada ku hadla u soo diray iyada oo dhamaan dadkii la soo ururiyay ay goobtii ka tageen marka laga reebo lix Oday ah oo aakhirkii halkaas hadalka jeediyay ka dib markii Boolisku isku hareereeyeen qolkii ay ku hadlayeen.
Ugaas Xuseen Geele Abokor (Qaws) iyo Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaahi oo ah xubnaha uu u soo dhexmaray Wasiir Waran Cadde ee abaabulka wadday ayaa xiiq badan oo ay halkaas kala kulmeen waxay aakhirkii lacag gaadhaysa 700’000SL Sh ah u qaybiyeen lixdii oday ee khasab ku hadalka ahaa, taas oo dadkii goobta joogay anfariir iyo fajac ku noqotay markii ay arkeen qaybsiga lacagta ee odayaashu isku fara saari gaadheen, iyada oo lacagtaasi u gaadhay 50 kun iyo 100 oo SL Sh ah, taas oo keentay in dadkii goobta soo buux dhaafiyay layaab ku riday cadadka lacagta ah ee loo qaybiyay, waxaana halkaas hadalkii ka taagtaamay Ugaas Xuseen Geele Abokor (Qaws), Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaah iyo lixdii Oday, kuwaas oo ku cabanayay in lacagta uu soo dhiibay Wasiir Waran cadde anay intan ahayn, waxanay carabku ku adkeeyeen inay labada dilaal dhexda u fadhiisteen.
Isku soo wada duuboo, tani waa mid Xukuumadda Siilaanyo Ay Maalimihii u dameeyay lacago tiro badan ku bixinaysay,abaabulka weji ku macaashka ee Saxaafada Afka Dawlada ku hadasha la soo horfadhiyay taageerada mudo kordhinta, iyada oo maskaxda ku hayaan in lacagtii cashuurta ee dadka danyarta ah laga soo ururiyay gidaarada loogu qaybsanaayo.
11165241_967103849980478_8406677721028250385_n (1)

10460376_967103989980464_2622327008819956978_n

11046776_967104473313749_12815929345356078_n

11150804_967104089980454_2864675060065615516_n

11165302_967103816647148_4481262864073529862_n

11231096_967104126647117_8697031132710823449_n

10411915_967104573313739_6914883551429207148_n

11229684_967104556647074_6435940981707716428_n

11265539_967104533313743_3927051173614579485_n

11078241_967104596647070_6854766719832254426_n

11214243_967104776647052_5621306829954495524_n

11150878_967104696647060_4107492815561954392_n

10410468_967104673313729_7419357144966215559_n

11219593_967103539980509_4933060771088161758_n