Hargeysa, 14 May, 2015 (SDN/QJ)- Haweenka Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inay Taageersan Yihiin Go’aanka Mudo Kordhinta ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada isla markaana ay Xil hayntooda ku simeen ilaa Bisha April ee Sannadka 2017.
Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye Marwo Canab Cumar Ileeye ayaa dareen u tudhaya dal iyo dadba ku sheegtay in Mucaaridku ay saxayaan hadii ay dhaliil yeeshaan Muxaafidku waxayna ugu baaqday Xubnaha muxaafidku inay ixtiraamaan Mucaaradka.
Hargaysa SDN/QJ
