Bujunbura:16,2015(SDN/QJ)-Kadib Inqilaabkii fashilmay ee Dalka Burundi Militeri kamid ahi isku dayeen, ayuu Madaxweynaha dalkaasi Burundi Pierre Nkurunziza, gabi ahaanba mamnuucay in shacabku wax Mudaharaad ah iskugu soo baxaan.
Pierre Nkurunziza, oo Warbaahinta kala hadlay shacabka dalkiisa, ayaa sheegay in gabi ahaanba mamnuuc ay tahay in la dhigo banaanbax ka dhan ah isaga, wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanka ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga.
Hogaamiyaha dalka Burundi, ayaa tilmaamay inqilaabkii dhicisoobay iyo banaanbaxyadii dalkaasi ka dhacaayay inay xidhiidh leeyihiin, xilli dadka dibadbaxyada dhigaayay ay iska fogeeyeen eedeymahaasi.
Xilliga Saraakiil ka tirsan Milateriga ay isku dayeen inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay, waxa uu ku sugnaa Madaxweyne Pierre Nkurunziza dalka Tanzania oo uu uga qaybgali rabay shir looga hadlaayay qalalaasaha ka taagnaa dalkiisa.
Madaxweynaha dalka Burundi, ayaa u mahad celiyay ciidamada ammaanka dalkiisa oo uu ku tilmaamay geesiyaal nafta u huray in dalka inqilaab aan la gelin.
Waxa uu doonaya in mar saddexaad xilka Madaxweynaha uu isku sharaxo, xilli dad diidan musharaxnimadiisa ay banaanbaxyo ka dhigayeen Magaalada Bujunbura ee dalka Burundi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
