Sweden19May15(SDN/QJ)Jaliyada sweden ayaa si wayn u xustay malinta 18 may ee qaranimada soomaliland taas oo ay ka soo wareegtay 24 sano xafladan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay xildhibaano ka mida golaha deeganka gothenburg ee sweden xildhibanadas waxa ka mid ahaa Xildhibaan safiya cumar Yare xildhibaan Siciid maxamuud dayib waxa kaloo Qayb ka ahaa Xaflada madax badan oo reer soomaliland ah ururada somafalka ah Waxa ka muuqday ururka Hal-door org oo Gudoomiye Asad yusuf ismaaciil oo goob joog ahaa oo qudbad ka jeediyay uu ka waramay tarikhda soomaliland & ururka Hal-door wax qabadkij ururka isagoo ka sheegay goobta in ay Urur ahaan at dhisi doonan school farsamada gacanta lagu baran doono ka hirgalindoonan hargaisa insha allah. Waxa kaloo Qayb ka qaatay Fanaanin Tiro badan oo wac daro ka dhigay sida fananad qaliga ku ah reer soomaliland Nimco Mahamed Cabdi Nimco Dagan. Farhan murtiile. fanan Halawad. Waxa qudbado ka jeediyay soo jiidatay bulshadooda reer soomaliland ee gothenburg ka jeediyay madasha Xildhibaan Safiya Cumar yar oo ku boorisay jaliyada Somaliland inay ka Qayb qaataan horumarka dalka ka socda gacmahana lays qabsado sidoo kale Xildhibaan dayib oo ku Hambalyeyay jaliyada soomaliland horumarka iyo sida ay u xijisteen mowqofkoodii qadiyada soomaliland sidoo kale uga mahad celiyay sidii fiicnayd ee ay codka u siiyey markuu sharaxnaa hadana uu xildhibaan uu u hayahay iyaga waxa kaloo hadal Qiimo leh jeediyay oo dhiiri galin u badnaa Mahamed dhamac oo ka mida Urur Sama Fal ah oo ka halgala sweden iyo Somaliland ba. ugu danbayn Waxa soo afmeeray gudoomiyaha jaliyada soomaliland ee gothenburg Mr Mubaarik Qoorbaxay oo hambalyo & bogaadin u diray dhamaan Umada soomaliland gudo iyo dibadba khasatan reer sweden gothenburg Guntii & gabagabadii jawi farxadeed ayay ku soo dhamatay sanad guraadii 24 ee ka soo wareegtay malintii soomaliland ka go,day samoolia inteeda kale



