Turkia 19May15(SDN/QJ)Jaaliyada Somaliland Iyo ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalkaaasi ayaa waxay soo agasimeen xaflad aad u qurux badan oo ku bilaabmatay jawi heer sare oo farxadeeed , hall ka munaasibada ka dhacaysay oo si heer sare ah loo qurxiyey ayaa ka mid ahaa waxyaabaha indhahu qabatinka leh ee xaflaadaasi nuuriyeye
Xogahaye ku xigeenka warfaafinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID Marwo Farduus cige xasan ayaa iyaduna munasibaadasi kale qayb qaadatay da,yarta reer Somaliland eek u nool turkiga
Marwo Farduus ma aha markii ugu horeysay ee munasibadan oo kale ay ka qayb gasho horena wax aka qayb qaadatay munasibado noocani oo kale ah oo dalka turkiga lagu qabtay sidoo kale mudadiii ay turkiga ku sugnayd waxay ay xog waraysi iyo indho indhayn ku samaysay xalaada dadka reer Somaliland eek u nool dalkaasi , iyadoo kal hore ku guulaysatay in munaasibad dhaqaale uruurin ah ay u abaabusho mid ka mid ah muwadiniinta reer Somaliland oo xalad cafimaad dalkaasi u joogay .
Ardayda munaasibadan soo abaabulay ayaa iyaguna shaahado sharaf ku maamusay marwo farduus taasi oo ay sheegen in ay ku mutaysatay madaama oo ay tahay masuuliynta kaliya ee si dhow ugu xidhan una caawiya ardayda turkiga wax ka baratay , mana aha markii ugu hororaysay ee ay ku sharfaan shahadadan oon kale .
Gebo gabadii marwo faduus cige oo ahayd masuulka kaliya ee ardayda xafladani kale soo qayb galay waxay ay kula dardaarantan ardayda iyo jaaliyada reer Somaliland ee turkiga in ay gacmaha is qabsadaan kuna dedaalan sidii ay dalkooda sharaf iyo karaamo ugu soo jiidi lahayeene , waxanay si gaar ah ugu baaqday da,yarta in dalkoodi iyo dadkoodiba ay iyaga sugayaan loona baahan yahay xadaarada iyo aqoonta ay ka barteen dalkan ay ku nool yihiiiin ay kula noqdaan dalkoodi hooyo ugana faaideeyaaan .





