Uncategorized

Nuxurka Kulan Hor-dhac Oo Saddexda Xisbi-qaran iyo Xukuumaddu Xalay Isku Arkeen Iyo Ajandayaasha Ballanta Maanta Oo Lasii Gorfeeyey

Hargeysa:May,20,2015(SDN/QJ)-Sida wararku sheegayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Saddexda Xisbi-qaran, ayaa xalay yeeshay kulan hordhac u ah ballanta Maanta ee shirweynaha Turxaan-bixinta oo hore xukuumaddu ugu baaqaday inay xisbiyada mucaaridka la yeelan doonto.

ogoKulankan oo aqalka madaxtooyada ka dhacay ayaa xubno kooban oo afarta geesood ka socdaa isku hor fadhiisteen, waxana hoggaaminayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland mudane Saylici, kaas oo dhinacyada kale usoo bandhigay Ajandaha kulanka maanta loo ballansan yahay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay danta guud ilaaliyaan.

Inkastoo ay kooban yihiin wararka lagaga helayo kulankaasi, haddana waxa naloo xaqiijiyey in kulanka Maantu ka dhaco madaxtooyada, isla-markaana dhinacyada ay arrintu khusaysaa halkaas usoo dirsan doonaan Tiro afar qof ah oo dhinac walba ah, iyadoo arrinta laga hadlayaana noqon doonto in mawqif midaysan laga istaago Go’aankii dhawaan Guurtidu ugu kordhisay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.

Lama hubo in cid aan saddexda xisbi-qaran iyo xukuumadda ahayni ay kulankaas iman doonto, balse waxa muuqata in Xisbiyada Mucaaridku doonayaan in cid kale goobta joogto, maadaama xukuumaddu hore hawada u marisay Hadallo mucaaridku ka biyo diideen oo salka ku hayey in Go’aanka Guurtidu yahay mid lama taabtaan ah.

Si kastaba ha ahaatee  ma muuqato tallaabo xisbiyada mucaaridku ku taageeri karaan Go’aanka Guurtida iyo mid Xukuumaddu Go’aankaas kaga tanaasulayso, waxana taasi muujinaysaa ifafaale keeni kara in dhexdhexaadinta Beesha caalamka loo baahan doono.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com