Uncategorized

Warar Dheeraad ah Oo Laga Helayo Qaraxyo Al-shabaab Saaka Ku Qaadday Xarumo Ciidan Oo Muqdisho Ku Yaalla

Muqdisho:June,21,2015(SDN/QJ)-Waxa isa soo taraya wararka kasoo baxaya Qaraxyo ismiidaamin ah oo xubno kooxda Al-shabaab katirsani ku qaadeen Xarunta Dugsigii hore ee Degmada Shibis oo haatan ah Goob ay deggen yihiin Ciidamada Nabadsugidda Somaalia.

xarerWeerarka Shabaabka ayaa ku biloowday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay afaafka hore ee Iskuulkan, kadibna waxaa xigay israsaaseyn dhexmartay ciidamada Nabad Suggida ee xeradan ilaalada ka ahaa iyo raggii hubeysnaa.

Ciidamada ammaanka ayaa u suuragashay inay toogtaan laba nin oo la sheegay inay ahaayeen kuwii la dagaalamayay ciidamada Nabad Suggida ee xaruntan ilaalada ka haayay, iyadoo aanay u suuragalin in gudaha si toos ah ugu dhaadhacaan ragga hubaysani.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarkaasi la fashiliyay oo ciidamada ay ka hortageen.

Wuxuu Maxamed Yuusuf dafiray in goobta la weeraray ay tahay goob lagu tababaro ciidamada Nabad Suggida Somalia, taasi bedelkeeda wuxuu ku sheegay inay tahay Iskuul hoose Dhexe iyo Sare oo arday ay wax ku bartaan.

Weerarkan oo lasoo afjaray ayaa waxa Goobahaas lagu arkayaa Saraakiisha Ciidamada, waxana lagu wadaa in saxaafadda loosoo bandhigo Meydadka kooxahan hubaysnaa ee Ciidamadu toogteen.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee Kooxda Shabaab ay ka fuliso Magaalada Muqdisho, xilli Bisha Barakeysan ee Ramadaan maanta ay tahay maalintii Afaraad ee lasoomay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com