Uncategorized

Kenya oo Xayiraadii ka Qaaday Xawaaladaha Somalida ee Mudada heehaabayay

Nairobi 22.June 2015 (SDN/QJ)- Shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya ayaa maanta mar kale dib u howl galay ka dib markii ay dowladda Kenya horey u xayirtay adeeggaasi.

SHIRKADAHA-XAWAALADAHA-EE-AY-DAWLADDA-KENYA-XAYIRTAY-OO-SUAALO-LAGU-BILAABAY-300x156Dawladda Kenya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay sheegtay in ay si rasmi ah u shaacisay inay qaadday xayiraadii ay kusoo rogtay shirkadaha xawilaadaha Soomaalida.
Kenya ayaa xayiraadda soo rogtay kadib weerarkii bishii Abriil lagu qaaday Jaamacadda magaalada Gaarisa.
Sharikdaha Xawaaladaha ayaa sheegay inay go’aankaas soo dhowaynayaan.
Xiritaanka xawilaadaha ayaa waxaa ka dhashay saamayn balaaran oo dhaqaale. iyadoo sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray dhaqaale badan oo la kala xawilan jiray.