Hargaysa 21.July 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa Jawaab ka Bixisay Shirkii ay ku Baaqeen Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland Isla markaana Fariin Digniin ah u dirtay Mulkiilayaasha Huteelada oo ay ka dalbatay inaanay ka Kirayn Cid kasta oo Shirar Siyaasadeed qabsanaysa .
Sidoo kale Ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa Galabta galay heegan buuxa , iyadoo saraakiisha u sareeya ciidankaasina ay ka hadleen sababaha keenay in xiligan heegan la geliyo ciidamada ammaanka gudaha.
Xukuumada oo Jawaab Dadban ka Bixisay Shirkii Mucaaridku ku baaqeen,Digniin loo diray Huteelada iyo Ciidanka Booliska oo Heegan la geliyay DAAWO
