Hargaysa 27.July 2015 (SDN/QJ)- Taliye kuxigeenka ciidanka booliska Somaliland, sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa sheegay in 16 qof lo ohayo shaqaaqo saaka ka dhacday Jaamacadda Hargeysa. Waxa uu ciidanka booliska ka difaacay habacsanaan maamulka jaamacaddu ku eedeeyay, isagoo sheegay in arrinta meesha ka dhacday tahay mid maamulka khusaysa.
“Maanta oo bishu 27 tahay, Jaamacadda waxaa ka furmayay Imtixaankii. Maamulka jaamacadda ayaa nala soo hadlay waxaanay nagu yidhaahdeen “ciidankii hore noogu joogay 10 Askari noogu soo kordhiya”. Anagu ciidan badan iyo qoladii dhar cadda ahayd ayaanu u dirnay. Ciidankaasi 5-tii subaxnimo ayuu tagay jaamacadda, hawlihiisii ciidana si fiican buu u watay” ayuu yidhi Taliye Fooxle.
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Dhibaatada meesha ka dhacday waxay ka bilaamatay jaamacadda gudaheeda. Wax dibadda ka yimid oo ku soo duulayna ma jirin. Ciidanku wuxuu ku wareegsanaa Dayrka, badhna Kidimada ayay fadhiyeen. Markii Macalimiintii mid walba Imtixaankii ula galay Ardaydii, Ardaydii Imtixaankii ayay boobtay, dabeed waxay jeex-jeexeen iyo waxay daadiyeen bay ka dhigeen. Hawshaasi gudaha ayay ka dhacday wax dibadda kaga yimidna ma jirin. Intaasi markay dhacday Ardaydii dhagax tuur bay bilaabeen saddex ilaa afar baabuur oo gudaha yaalay Muraayadaha ayaa wax ka gaadheen, ilaa 6 dibadda yaalayna muraayaddaha ayaa wax laga yeelay”.
https://www.youtube.com/watch?v=BTPJHLn5cBo
Waxa uu sheegay in 16 Arday loo hayo falka Jaamacadda ka dhacay, arrintana tahay mid Maamulka iyo jaamacaddaha gudaheeda khusaysa “Ilaa 16 nin baa hawshaa loo hayaa, baadhistiina way noo socotaa, cidii sharcigu ku caddeeyana hawsheeda ayaa laga gudanayaa. Arrintan wuxuun baanu u arkaynay arrin xagga maamulkooda gudihiisa ah, kolay inaan wax badan ka sii sheegana ma jecli laakiin, anaga waxaa na khusaysa xagga ammaanka.Hore iyo imikaba waxaan arkayay dad meelo wax galgalinaya oo qolada jaamacaddu leedahay taliyaha ciidanka ayaa wax ka qaban waayay. Taliyuhu falkii hore uga dhacay Jaamacadda sii xaqa ahayd ee waajibka ahayd ayuu wax uga qabtay, tan imikana sidii ugu wacnayd iyo gacan adag ayaanu uga hawlgalay, waanan ku hambalyaynayaa saraakiisha ciidanka,” ayuu yidhi Taliye Fooxle.
https://www.youtube.com/watch?v=IjP1gExoilQ
