Uncategorized

“16-Milyan ee Aad Diyaaradaha Kusoo Raaceen waxan is idhi lacagtaas hadday kuusoo diraan oo ay iska joogaan waddadii ceerigaabo waad dhamayn lahayd.” Wasiir Xirsi.

Hargeysa:Aug,09,2015(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Maadaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qurbejoogta dalka kusoo guryo noqotay u  jeediyey khudbad uu ugu muujiyey inay gacmaha isku qabsadaan sidi ay dalka horumarkiisa uga shayqan lahaayeen.

wasiir xirsiWasiir Xirsi oo ka Hadlayey xaflad qurbejoogga dalka loogu qabtay Hutel Guled oo ay wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo abaabushay, ayaa qurbejoogga u sheegay inay fiicnaan lahayd inay lacagta iyo nooliga kasoo dhigteen intay isku geeyaan ay ku daraan waddada Ceerigaabo, “Waxa la sheegay inay sanadkan yimaadeen ilaa 16000-kun oo qurbejoog ahi, waxana aan isku geeyey Qiimaha lacagta tigidhada ay kusoo goosteen, waxana aan qiyaasay in qof kastaa ugu yaraan uu Kun Dollar ku yimi. Waxana soo baxday inay ku yimaadeen 16-Milyan oo dollar. Markaan lacagtaas qiyaasayna waxan is idhi lacagtaas hadday kuusoo diraan oo ay iska joogaan waddadii ceerigaabo waad dhamayn lahayd.” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in lacagtaasi dhammayn wax badan ka tari lahayd meelo badan oo somaliland ay qabyo ka jirto, waxana uu yidhi,“Waxan qabaa haddii meelaha kale dhaqaalaha dalkeena lagu beegana inay wax weyn qaban lahayd. Haddana anigoo intaasba og waxan dareen sanahay inaad u timaadeen dalkiinii oo aad jeceshihiin iyo dadkiinii oo aad jeceshihiin si aad ugu indho qabawsataan waalidkiinii iyo carruurtiinii oo iyaguba idinku qaali ah.”

Wasiirku waxa uu intaas ku daray inaanay xaflado iyo munaasibado loo qabto dadka qurbaha ka yimi macno lahayn, balse loo baahan yahay inay dalkooda wax u faad’iideeyaan,

“Hadii aad intaas u timaadeen anaguna aanu intaas la rafanaynay ma aha inay kulamada noocan oo kale ah inagaga dhammaadaan inaynu is ammaano ama isu baadhiyeyno, waxase fiican inaynu ama aqoon isweydaarsano ama sidii aynu  wax uwada qaban lahayn ee horumar u samayn lahayn iska kaashano, maadaama aynu dal yar o curdin ah kasoo jeedno dhammaanteen.” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Mar uu ka Hadlayey muhiimadda ay qurbejooggu dalka u leeyihiin iyo sida ay dadku ugu xisaabtamaan, ayaa waxa uu yidhi,

“Dadkii waad u timi dalkiina waad utimi dadkaas faqiirka ah iyo dalkaas ayaad u maqan tahay, dhoofka iyo qurbaha tegistiisu waa cid la sugo oo la yidhaahdo muxuu soo sidaa, waxana aan jecelahay inaanu ku tilmaamo Beyd uu nin hore u sheegay oo ahaa”Bal ninyow walaalkay waxan waligay moodaayey inuu waayo mooyee nimaan walaacayne, hebel baa wax usoo  diray nagu wareersheene, indhahaan ka weetaynayaa Walacsigoodiiye.”ogo kaas calaacalayaa waa mid walaalkii u maqnaaye bal qiyaas imisaan cidi u maqnayn.”