Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qiray Inuu Lumiyey Fursado Badan Oo In Laga Faa’iidaysto u Baahnaa

Muqdisho:Aug,09,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan sheikh, ayaa sheegay inaan xilligan loo baahnayn muran iyo is qabqabsi dambe, isla-markaana loo baahan yahay in hore looga maro marxaladihii dalku soo maray, waxana uu caddeeyey inuu wakhti badani khasaare kaga lumay.

14Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadii shalay lagu saxiixayay hanaanka maamul u sameynta ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo bilaaban doona bisha September ee soo socota.

“Waqti badan naga lumay, waayo badana na soo dhaafay, fursado badan aan soo gabnay oo ay aheyd mar hore inaan qabsano oo aan ka faa’ideysano, mar kale in aanay na gefin waqtiga inaan naga tagin oo aan ku xisaabtano, 25-sano gadaal u sii eegeynaa, meeqa kale gadaal u sii eegeynaa, marka aan horay u socono, aan deg degno, is qab qabsiga iyo waxyaabaha macnaha laheyn aan meel iska dhigno”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yidhi “dhibaatada, xanuunka iyo waxyaabaha la tabanayo waa ognahay, laakiin wixii aan soo dhaafnay, yaanay mustaqbalka soo socda na gafanin, shalay ninka ku mashquulo berri ayaa dhaafeyso, adduunyada waxay leedahay saddex maalmood shalay, maanta iyo berri”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligan dowladda dhexdeeda uu is faham ka jiro, isla markaana wixii jirana laga tashanayo.

“Waxaa bogaadinayaa oo aan hambalyeynayaa una dhiira gelinayaa is fahamka dowladda dhexdeeda ka jira, haddii ay tahay xukuumadda iyo baarlamaanka, iyo dadaalka ka dhex muuqda ee ah inay is fahmaan, Soomaaliya waxay ku saleysan tahay dowlad dhisideeda waa la wada tashanayaa, waa la is qancinayaa, afkaar kala duwan miiska la soo saarayaa waa laga hadlayaa, nin walba fikirkiisa yaanu la baqin yaanu la baqiilin”ayuu yidhi madaxweyne Xasan sheekh.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com