Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Xildhibaan ka Tirsan Golaha Deegaanka Berbera Iyo Qof Shacab ah oo Shil Baabuur ku Naf waayay

Hargeysa:Aug,09,2015(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golayaasha Deegaanka dalka, gaar ahaan Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Gobolka Saaxil, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi Xoolow oo ku geeriyooday shil baabuur oo saaka ka dhacay qadhiidha oo u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa 09/08/2015.

Kani Waa Gaadhiga Shilka Galay ee Xildhibaanka iyo qofka kale ku Geeriyoodeen
Kani Waa Gaadhiga Shilka Galay ee Xildhibaanka iyo qofka kale ku Geeriyoodeen

 

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Marxuum Xuseen Saleebaan Garas oo xildhibaanka ku wehelinaayey safarka kuna geeriyooday shilkaasi, halka uu dhaawac soo gaadhay wiil uu dhalay xildhibaanku, madaxweynuhuna uu alle uga baryaayo wiilkaasi inuu caafimaad sareecana siiyo una fudaydiyo dhaawaca soo gaadhay.

dargoMadaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Golayaasha Deegaanka dalka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.