Balli-cad 07.Sep 2015 (SDN/QJ)- Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa maanta deegaanka Balli-cad oo dhacda galbeedka Laascaanood, waxa uu ka furay shir uu ku tilmaamay mid la iskula xisaabtamayo oo maamulkiisa iyo shacbiga deegaamada Sool iyo Buuhoodle ku faaqidayaan danahooda.
Shirkan ayaa la sheegay in ay ka maqan yihiin waxgaradka beelaha shiraya qaarkood,kuwaasi oo ku dooday inaan lagu marti-qaadin.
Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa ku dooday inuu wax ka bartay duruufaha siyaasadeed ee ku gedaaman maamulka uu ku dhawaaqay isla markaana ay wax badan qabsadeen muddadii ay jireen.
“Ma faahfaahinayo waxaanu shirka ka filayno, balse waxaan isla sugayaa waxay maamulka iyo baarlaamku soo gudbiyaan iyo waxaanu hayno, iyadoo ay noo socdaan shirar gaar-gaar ah,” ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Sool oo shirkan ka qeybgalay.
Maamulka kooxda khaatumo ayaa lagu yagleelay magaalada Saax-dheer ee gobolka SOOL, Bishii August 2014-kii. Illaa xiligaasna muddo dhawr jeer ah ayay ciidammadda qaranka Somaliland ku Prof Cali Khaliif Galaydh ka eryeen Saaxdheer. Waxa kale oo maamulka kooxda Khaatumo dibad wareeg ku ahaa Nairobi iyo Muqdisho. Iyadoo dawladda Soomaaliyana ay daadifeysay inay khaatumo u aqoonsato deegaamadda ay ka jiraan maamul goboleedyadda Soomaaliya.
