Hargaysa 05.Oct 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Isku Gubay Gaar ahaan Meel u dhow Dhismaha ay Degen tahay Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNHCR Nin la Sheegay inuu Qaxoonti yahay .
Qofkan ayaa dad goobjoogayaal ah oo VOA la hadlay waxa ay ku sheegeen inuu u dhashay dalka Yemen.
Goobjoogayaasha ayaa iyaguna sheegay in qofkani uu ka mid ahaa dad qaxooti ah oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen ka socda.
Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah arrintan uga hadashay oo tirsan UNHCR iyo xukuumadda Somaliland.
Somaliland waxaa ku sugan qaxooti tiro badan oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen. Warbixino ay xilliyo hore soo saareen qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Somaliland ku sugan ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee qaar ka mid ah qaxootiga Yemenida ah.
