Boorama 05.Oct 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Maanta ka Furmay Magaalooyinka Boorama iyo Burco Wareegii Kowaad ee Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo ay Sannadkan ka qayb qaadanayaan 14-ka Gobo lee Somaliland ka Kooban tahay.
Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Golayaasha qaranka ayaa Magaalada Boorama kaga qayb galay Ciyaarta Furitaanka Tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland.
Khudbad Kooban oo Madaxweyne ku Xigeenku ka Jeediyay Bilowga Tartanka ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Markii 1aad lagu qabto Magaalada Boorama Tartanka Ciyaaraha Gobolada taas oo Wax weyn ka taraysa ayuu yidhi is dhex galka bulshada waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kula dardaarmay Shacabka Gobolka Awdal inay si Milgo leh u soo dhaweeyaan Xulalka ay Martigeliyeen isagoo sidoo kalena ugu baaqay Xulalka gobolada Hawd, Hargeysa, Awdal, Gabiley, Salal, Buuhoodle iyo Saaxil inay la Yimaadaan qaab ciyaareed wanaagsan.

Labada Xul Awdal iyo Hawd ayaa isku haleelay Ciyaarta Furitaanka ee Garoonka Magaalada Boorama Waxay labada Xul soo bandhigeen hanaan Ciyaareed farsamadiisu sarayso, iyadoo Xul waliba ku dadaalayay inuu Guusha kala hoydo Garoonka, Qaybtii Kowaad ayaa Ku Dhamaatay Eber Iyo Eber, Hasa Yeeshee Markii la isugu noqday qaybtii labaad ee Ciyaarta ayaa labada Xulba waxay Garoonka la soo galeen dardar hor leh Waxayna aakhirkii Ku soo dhamaatay Ciyaartu Hal Gool iyo Eber ay Guushu ku raacday Xulka Marti Geliyey Tartankan ee Gobolka Awdal.
Inkastoo Qadar Daqiiqado ah ay Hakad gashay Ciyaartu kadib markii ay Xulka Gobolka Hawd ka biyo diideen Kaadhka Cas oo la siiyay mid ka Mid ah Ciyaar-yahanadooda.
Xulalka Magaalada Boorama ku wada ciyaari doona, waxa ay isku arki doonaan oo isku guruub noqday xulalka Hawd, Hargeysa, Awdal iyo Buuhoodle, halka Group-ka labaadna ay fooda isku dari doonaan Gobolada Gabiley, Saaxil Iyo Salal.
Dhinaca kalena Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Axmed Cabdi Kaahin iyo Madax kala duwan ayaa Magaaladda Burco kaga qayb galay furitaanka Wareega Kowaad ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland .
Waxaa Ciyaartii Kowaad ee furitaanka wada yeeshay Xulalka Gobolada Togdheer oo Marti geliyey iyo Daad Madheedh Qaybtii hore ee Ciyaarta waxay labada Xul isla dhaafi waayeen Eber Iyo Eber hasa yeeshee qaybtii labaad ee Ciyaarta ayaa isu bedeshay Weeraro adag oo labada xul isku qaadeen Waxayna Gunaanadkii Ciyaartaasi ku soo dhamaatay
Hal Gool iyo Eber ay Guushu ku Raacday Xulka Gobolka Daad Madheedh.
Xulalka Magaalada Burco ku wada Ciyaari doona ayaa Waxaa Group-ka Kowaad ku wada Jira Gobolada Togdheer,Daadmadheedh,Badhan Iyo Xaysimo Halka Groupka Labaadna ay ku wada Jiraan Sool,Sanaag Iyo Saraar .
Maalinta Beri oo Salaasa ah Waxaa Magaaladda Boorama ku wada Ciyaari doona Xulalka Goboladda Maroodi Jeex iyo Buuhoodle halka Magaalada Burcana ay fooda isku dari doonaan Gobolada Badhan Iyo Xaysiimo.
Boorama SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
