Uncategorized

Dagaal Gacan ka Hadal ah oo Shalay Garoonka Boorama Ku Dhex Maray Gudoomiyeyaasha Gobolada Awdal Iyo Hawd “Taagerayaasha Gobolka Awdal May Noqon Marti Soorayaal”

Hargaysa 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Labada Gudoomiyeyaasha Gobolada Hawd Iyo Awdal, ayaa dagaal gacan ka hadal ah ku dhex-maray Shalay galab gudaha Garoonkii ay ka socotay ciyaartii labada kooxood ee u kala ciyaarayey Hawd Iyo Awdal oo lagu qabtay magaalada Boorama, isla markaana waxa hadheeyey ciyaartii lagu qabtay gobolkaas rabshado ay dhigayeen taageerayaashii kooxda. BadhsaabkaHawd Ibraahim Xaaji Cali IyoBadhasaabka Awdal Ramaax, ayaa dagaalkaas oo ka dhashay shiidka iyo dhagax tuur ka dhacay garoonka ciyaartu ka socotay uu sababay isku dhaca labadaas masuul.

 

badhasaabo-300x136Sidoo kale, waxa is rasaaseyn ku sigtay askartii ilaalada u ahayd labada gudoomiye, waxaana markiiba soo kala dhex galay oo qoryaha ka ururiyey sarakiil ciidan oo goobtasi ku sugnayd.

Dhinaca kale, Ciyaartoyga Gobolka Hawd, ayaa sheegay in goolka laga dhaliyay ahaa mid xaqdarro ah, maadaama la shiidayay ciyaartoygooda, islamarkaana waxay sheegeen in taageerayaal ka soo jeeday Ciyaartoyga Awdal si gaara fowdo ula beegsadeen xulkooda Hawd.

 

af-225x300Afhayeenka xulka gobolka Hawd doo ka hadlay arimahaas waxa uu yidhi, “Ciyaartii Shalay waxaanu leenahay Taagerayaasha gobolka Boorama may noqon Marti Soorayaal balse waxay noqdeen qaar guul xaqdaro ah usoo hooyey gobolkooda. inshaa Allah hada dedaal ayaan ugu jirnaa inaan badino wixii danbe maadaama maanta taagerayaal naga badiyeen oo ay dhagaxaan nala dhaceen. wixii dambe naga fisha guulahad nooga barateen,” ayuu yidhi Afhayeenka gobolka Hawd.