Uncategorized

“ Wadahadalku Waa Inuu Noqdo Mid Mar Kale La Isugu Keenayo Soomaaliya” Raysal Wasaare ku Xigeenka Somalia

Muqdisho, 08 Oct 2015 (SDN/QJ)-Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay inay dib u billaabanayaan meerto kale oo ka mid ah wadahadalladii u dhexeeyay dawladda Somalia iyo Somaliland.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte Qaalib oo waraysi siiyay idaacadda ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay shalay in wadahadalladan ay yihiin kuwo lagu doonayo in mar kale dib loogu soo celiyo midnimadii Soomaaliya, isla markaana Somaliland lagu doonayo inay kaga gudbaan gooni-isu-taagga.

Sidoo kale, Carte wuxuu sheegay in qodobbada la rabo in wadahadalladan lagaga wada  hadlo in ay ka mid yihiin; wada qaybsiga maamulka maaliyada, wada shaqaynta maxkamadaha, fulinta shuruucda  la dajiyay in lagu dhaqmo iyo arrimo kale.“Run ahaantii wadahadallada dib ayay u billaabmi doonaan, markii 60kii laysku darsamay, waxay ahayd mid ku billowday qaab wanaagsan, marka runtii waxay u baahan tahay inuu wadahadalku noqdo mid mar kale la isugu keeno Soomaali wayn  oo aanay noqon mid lagu kala tago,” ayuu yidhi Ra’iisul wasaare ku-xigeen Somalia.