Hargeysa, 08 Oct 2015 (SDN/QJ)- Labadda Xisbi Mucaarid ee Somaliland, ayaa shalay si kulul u cambaareeyay weerar waabarigii habeen hore dablay hubaysani la beegsadeen Gurriga Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax, kaas oo sababay dhimashadda iyo dhaawaca afar askari, isla markaana waxay farriin u direen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay ugu baaqeen inuu si degdegaha uga jawaabo cabashooyinka reer Awdal.
Murashaxa ku-xigeen ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo qoraal kooban ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga, ayaa ku yidhi; “Waxaan cambaaraynayaa falka ka dhacay magaalada Boorama, gaar ahaan guriga Guddoomiyaha Gobolka. Waxan ka tacsiyadeenayaa ciidanka iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen askarta ku dhimatay falkaa foosha xun ee argagixisanimada leh. Waana in maxkamad la horkeeno ciddii masuulka ahayd falkaa.” Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi;Waxaan cambaaraynayaa xadhiga loo geystay ganacsatada iyo madax dhaqmeedka aan dembiga faraha kula jirin ee habeen hore lagala baxay guryahooda oo aan xadhigooda loo marin sifadii sharciga ahayd sida uu dhigayo dastuurka JSL. Bulshada gobolka Awdal waxan kula dardaarmayaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khalkhal gelinaysaa amniga iyo degenaanshaha gobolka iyo guud ahaanba qaranimada Somaliland”.Ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Sidoo kale, Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday hoyga badhasaabka Awdal; “Tacsi baan u dirayaa qoyska iyo qarabada labadii askari ee ku geeriyooday weerarkii habeen hore lagu qaaday badhasaabka Gobolak Awdal ,waxan leeyay nabad galyada inoo ilaaliya, mana wanaagsana in la weeraro guriga Guddomiyaha Gobolaka, fal aan wanaagsanayna weeye dhalinyarada ciyaaraha ka qayb galaysa ee tartanku uga socdo boorama waxan leeyay amaanka dhawra oo xamaasad ciyaartu yaanay ina qadan ciidamada nabd galyadana waxan leeyahay nabad galyada inoo ilaaliya oo cidana haka yeelina inay nabadeena wax yeesho ”.
Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu baaq u diray Xukuumada Somaliland;”Waxaan ku boorinayaa Xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Silaanyo inay gobolkaasi awdal indhaha ku eegto oo cabashoyinkooda la eego in badan bay soo jiitamayeen waana muhiim hadaynu nahay reer Somaliland in aynu Ummadeena isku wadno”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Dhinaca kale, Guddomiye Ku-xigeenka Xisbiga Waddani Mr.Axmed Mu’min Seed ayaa isaguna cambaareeyay weerarkaa lala beegsaday Guriga Gudoomiyaha Gobolka waxaanuu yidhi;“Tacsi baan u dirayaa , askarta ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmayba weerarkii lagu qaaday guriga badhasaabka Awdal, qaranka Somaliland tacsi baan u dirayaa ,waa nasiib daro waana mucjiso gobolka Awdal loogama baran jabhadnimo , waana nasiib daro haysata xukuumada , amaan darada jirta ,nabad galyadana hala ilaaliyo ”. dhanka kale Gudoomiye xigeenka sadexaad ee Ucid Cali Guray ayaa isna weedhahan kaga jawaabay falkaa, waxaanuu yidhi; “Marka hore waxan tacsiyaynayaa qoysaskii ay ka dhinteen labada askari ee ka midka ahaa ilaalada Gudooniyaha Gobolka Awdal ee lagu dilay weerarkii lagu qaaday Gudoomiyaha Gobolka, Ramaax. Labada marxuun ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo qoysaskii ay ka baxeen, qaraabadii, iyo dhamaanteenba Ilaahay samir iyo Iimaan ha inaga wada siiyo.
Weerarka lagu qaaday Gudoomiye Ramaax wax la aqbali karo maaha xukuumaduna waxba yay inoo qarin ee ha cadayso inu dalku dagaal ku jiro xaaladda Gobolka Awdalna ay faraheeda ka baxsan tahay. Belaayo looma gacan haadiyo waxay ku sinayd Ramaax oo gudoomiyaha gobolka Awdal ah oo isna ku dhinta. Reer Borame waxan leeyahay nin aan idiin furi doonin yaanu idiin rarin oo nabdgelyadiina qooq iyo ciyaar ku burburin. Nebi Muxamed NNKH ayaa laga soo weriyay inu yidhi; FIDMADU WAY HURUDAA EE CADHO ALLEH HA KU DHACDO CIDII TOOSISA.”
