|

‘’Inkastoy Ku Doorten Adna Way Ku Dayayaan, Waa Dayn Codkooduye Waa Diiqo Hays Odhan’’ Dardaaran Ku Socda Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland DAAWO

Hargaysa 22. November 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi kasta marka uu Tartamayo Waxa uu Bulshadda u balanqaadaa inuu dareenkooda la qaybsanayo isla markaana uu furdaamin doono Mushkiladaha ku Meersan nolosha Bulshadiisa.

Waxaa Shalay oo Salaasa ahayd Komiishanka Doorashooyinku ku dhawaaqeen in Natiijadii Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ay ku Guulaysteen Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Noqonaya Madaxweynah Shanta Sano ee soo Socda Somaliland hogaaminaya Iyo Madaxweyne Ku xigeenkiisa Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici.

Hadaba Shacabka Somaliland Waxaa daashaday Xaalado adag oo u baahan in Wax laga qabto Sida Maamul Xumo,Sicir barar, Cadaalad xumo,Shaqo la’aan,Musuq Maasuq,dantii guud oo baylah ah iyo Boqolaal qodob oo kale Kuwaas oo laga dhursugayo sida Madaxweynaha la doortay wax uga qabto maadaama ay ka mid yihiin arrimihii uu ku hantay Codka Kalsoonida Shacabka.

Comments are closed