Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta ka hadlayay Munaasibad uu Xisbiga Kulmiye u sameeyay Muraaqibiintii ugu Sugnaa Goobaha Codbixinta ee Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ayaa Waxa uu markii kowaad ka hadlay Sababaha u Suurto geliyey inuu hanto Guusha hogaaminta qaranka.
Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxa uu iftiimiyey doorka Muraaqibiintu ku leeyihiin hawlaha doorashadda isagoo xusay inuu aaminsan yahay in Maanta Xisbiga Kulmiye uu Jeexay dariiq iyo nidaam wax weyn ka tari doona doorashooyinka soo socda.
