|

20 Siyaasi ee ugu Ololaha Wanaagsanaa Muddadii Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland (Yaa Hormeeyay oo Saxay) DAAWO

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Dabayaaqadii Bishii October ee aynu soo dhaafnay Waxaa Somaliland ka Bilaabmay tartan adag oo u dhexeeyay Murashixiinta Sadexdda Xisbi qaran ee Ucid,Kulmiye Iyo Waddani kaas oo guclo orod loogu jiray sidii uu mid kastaa Guusha Xisbigiisa u gaadhsiin lahaa una qaban lahaa hogaaminta qaranka.

Ololaha doorashaddani Wuxuu ahaa Mid walaac weyn ku abuuray shacabka Somaliland maadaama weedho xanaf leh ay is weydaarsadeen Siyaasiyiinta Xisbiyada ee ku hirdamayay kala hororsiga hanashada guusha.

Inkastoo welwelku uu ahaa mid wehel la ah bulshadda kana baqdin qabtay inuu dhaliyo gacan ka hadal hadana taasi may dhicin waxaana loo sibir saaraa garaadka ummada oo koraya,bisaylka siyaasiyiinta iyo wixii Qadar eebbe ah ee qoran.

Inkastoo xisbiyadu u muuqdeen in ay beelaysn yahiin, runtu waxaa ay ahayd guri kasta muggiisa (householld) in loogu tegayay sokeeye, waalid iyo ubadkodii oo kala taageersanaa saddexda xisbi. Arrintaas xiisaha badan ayaa burisay hummaagga qabyaaladda ee sheedda laga arkayay.

Maanta loolankii dhamaa Dalku wuxuu yeeshay Madaxweyne la doortay balse aan weli xilkii la wareegin hadaba waxaa isweydiin Mudan waa ayo Labaatanka Siyaasi ee Sadexda xisbi ku jira ee olole wanaagsan ku soo bandhigay fagaarayaashii beretanka.

Fiiro Gaar ah: Muuqaalkan ma aha Mid ay Shabakada Qurbejoog diyaarisay maadaama ay Jireen Weedho damiirka bulshada saamayeeyay oo ka soo Yeedhay Xubno ka Mid ah Siyaasiyiinta Muuqaalkan ku Jira.

Comments are closed