Toronto Dec 16 2011(qurbejoog.com)Waxa dhamaan Jaalida Reer Somaliland ee ku nool magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda la Ogeysiinayaa in maalinta Sabitada ah ee Bishan December tahay 17ka la qaban doono Kulan Balaadhan oo uu marti ku noqon doono Wasiirkii hore ee wasaaradaha Beraha iyo Cadaalada isla markaana iminka ah Guddoomiyaha Uururka Siyaasadeed ee Wadajir Md Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare.
Kulankan oo uu Guddoomiye Dhoolayare uga hadli doonoo Marxaladihii dhaqan dhaqaale iyo kuwii siyaasadeed ee ugu danbeeyay Jamhuuriyada Somaliland iyo hadafka Siyaasadeed ee ururka siyaasadeedka Wadajir.
Kulanka Guddoomiyuhu uu ka hadli doono ayaa waxa uu ka dhacayaa Hotelka weyn ee Days Hotel ee ku yaal 185 Yorkland Blvd oo dhaca isgoysyada highwayada Don Vally Park way iyo 401ka,kulanku waxa uu bilaaban doonaa 6da fiidnimo.
Hadaba waxa jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan nawaaxiga Toronto loogu baaqaya in ay kulanka uu martida inoogu yahay Guddomiyaha Ururka Wadajir Md Dhoolayare in ay uga soo qeybgalaan sidii caadada inoo aheyd ee Masuuliyiinta dalkeena aanu ku qaabili jiray.
Qurbejoog-Toronto
