Uncategorized

Carrur faro badan oo shuban biyood ugu dhintay xeryaha barakacayaasha Muqdisho

Muqdisho Dec 16,2011(qurbejoog.com)-Tiro caruur ah ayaa 24kii sacaadood ee u danbeeyay ku geeriyooday xeryaha Qaxootiga ee ku teedsan inta u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Barta Internetka ee PressTV ayaa daabacday in caruur tiradoodu tahay 50 oo uu soo ritay cudurka shiban biyoodka ay sacaadihii u danbeeyay ku geeriyoodeen xeryaha Qaxootiga.

Sidoo kale waxa ay barta Internetku sheegtay in tiro kale oo gaadheysa 500 ay cusbitaalada u yaalan cudurkan shuban biyoodka.

Dhakhaatiirta la tacaaleysa cudurkan ayaa sheegay in nadaafad xumada ka jirta xeryaha,biyo cabida ku haboon oo aan jirin iyo dadka oo tirada ka batay ay sahashay in cuduradu si dhib yar ugu faafaan xeryaha.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com