Gabiley Dec 16,2011(qurbejoog.com)-Warar horu dhaca oo laga helayo magaalada Gabilay ayaa sheegaya in rag hubeysani ay weerar saaka jac ku siiyay xabsi ay ku xidhnaayeen Odeyaal loo qabqabtay dilkii Seemaal.
Raga maanta weerarka ku qaaday Xabsiga Boorama ayaa la sheega in ay ka soo jeedaan degaanka Gabiley ee iyagu geystay dilkii Seemaal.
Ciidamada amniga oo si weyn ugu sugan gobolka Gabiley ayaa kolkiiba qabqabtay ragii soo weeraray xabsiga.
Ilaa sadex ka mid ah ragii maanta weeraray xabsiga Gebiley ayaa dhawaacooda la geeyay cusbitaalka guud ee Gabilay.
Odeyaasha ku xidhan xabsiga Gabiley ayaa ahaa qaar ka soo kala jeeda labada beelood ee dirirtu ka dhexeyso ee reer Ceel-berdaale.
Xukuumada Somaliland ayaan weli ka hadal weerarkan lagu qaaday xabsiga magaalada Gebilay iyo khasaaraha ka dhashay toona.
Qurbejoog-Gabilay
