Uncategorized

Booliska Maraykanka oo xabsiga dhigay in kabadan ku dhawaad 60-ruux

New York Dec 18,2011(qurbejoog.com)- Booliska dalka Maraykanka ayaa xiray ugu yaraan 50-qof oo ka mida dadka dibadbaxayaasha ah ee isku magacaabay Occupy Wall Street kuwaas oo isku soo bax ka dhigay barxad ku taala Manhattan ee Magaalada New York.
 
Xiritaanaka Dadkan ayaa dhacay ka gadaal markii mudaharaadayaashu ay isugu soo aruureen Barxada Duarte ee Manhattan si ay ugu dabaal dagaan  sadax bil oo ay soconayeen Mudaharaadyada Occupy Wall Street.
 
Abaabulayaasha ayaa sheegay in ay qorsheenayaan in xeryo cusub ay sameeystaan madaama Bishii Noverber ee sanadkan Bolisku ay ka bur buriyeen xeryo tambuugyo ka sameeysan oo ay ku lahaayeen Magaalada New York.
 
Dadkan dibad baxyada ka  dhigaya dalka Maraykanaka ayaa ka cabanaya dhaqaalaha wadankaasi iyo nidaamka hanti goosiga ah ayagoona si weyn u dhaliil san Maalqabeenada dalkaasi.
 
Booliska Maraykanka ayaa in kabadan 5,000 oo mudaharaadayaal ah xiray tan iyo markii ay dalkaasi ka bilaawdeen Dibadbaxyada lagu magacaabo OWS 17-bishii September.

 

Qurbejoog-New York

contact@somalidiasporanews.com