Muqdisho Dec 18, 2011(qurbejoog.com)- Dagaal qasaaro gaystay oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Kooxda Al Shabaab ayaa saakay waxaa uu ka qarxay Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaani oo ahaa mid culus islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha degmooyinka Yaaqshid iyo Hiliwaa ee gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin duleedyada degmooyinkaasi, waxaana ilaa iyo iminka goobahaasi laga maqlayaa rasaasta ay dhinacyadaasi isuku adeegsanayaan.
Lama oga waxyeelada soo gaartay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay inkastoo dagaalka ay ku dhaawacmeen ilaa 3-ruux oo rayid ah kuwaasi oo la tilmaamay in rasaasta ay ugu tagtay guyahoodu.
Al Shabab ayaa bilaabay in weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay kusoo qaadaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo fariisimooyinka ku leh qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan dagaaladaasi ay guulo ka shegetaan Ururka AL Shabaab.
Qurbejoog-Muqdisho
