Muqdisho 20, March 2012 (Qurbejoog.com/AFP)- Tiyaatarkii qaranka oo ku taala caasimadda colaaduhu daashadeen ee Muqdisho, ayaa Isniintii shalay dib loo furay 20 sanadood ka dib.
Sida ay sheegtay AFP, Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay rejadiisa la xidhiidha in furitaanka Tiyaatarkani wax ka tari doonto codsigoodii muddada dheer ee nabadda dalkaas oo 21-kii sannadood ee u dambeeyay dagaalo ka socdeen.
Sheekh Shariif waxa uu ka hadlay xilliga uu soo bilaabmay hab-dhaqameedka faneed ee Soomaalidu, wuxuuna dib-u-furista Tiyaatarkii qaranka ee Muqdisho ku tilmaamay mid door wax-ku-ool ah ka ciyaaraysa habka nabadda Soomaaliya.
Raysal-wasaaraha Somalia Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo isna munaasibadii furitaanka Tiyaatarka ka hadlay, waxa uu ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha in muddo dheer ka dib la furo Tiyaatarkaas. Sidoo kale, waxa uu ka hadlay qaabkii uu ku yimi dib-u-furista Tiyaatarka Muqdisho oo burbursanaa tan iyo markii 1991 la afgambiyay Maxamed Siyaad Barre.
Qurbejoog.com, Muqdisho
editor@somalidiasporanews.com
