Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo Muddo Kooban Ayay Kaga Duween Jidka: Faallo: Maxamed-rashiid Muxumed Faarax

MadaxweynahaSomaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaa uu soo qaaday jid dheer oohawl badan si uu ku soo gaadho kursiga ugu sareeya dalka. Waxaa loo arkayay ooololihiisa lafdhabar u ahaa in uu raadinayo taariikh wanaagsan oo uu kugabagabeeyo halgankii uu u soo maray dalka waxaana loo hibeeyay taageero badanoo uu ku kasbadday magaca uu ku lahaa SNM. Laakiin, waxa maanta su’aali kataagantahay ma hayaa jidkii guusha laga fillayay uu ku gaadhi lahaa?

Su’aasha jawaabteedduma cusla sababo badan dartood. Aanse ku horeeyee, waxaa la yidhaahdaa Aadamuhuiyaga ayaa beera kalli-taliska goobaha aan sharcigu sarayn ee hebelka lagaqadariyana aad ayay u fududahay inuu markaba is taawiyo Ruuxu oo uu hilmaamobalantii uu qaaday. Ta guud haddii aynu ka tagno oo tusaale u soo qaadano waxaain badan la qoray in Siyaad Barre illaa 10 sanadood ay ku qaadatay inuu la soobaxo Miciyihii kalli taliska iyo damaca waalidda ah, Laakiin, Daahir Rayaale ooweliba sifooyinka uu kursiga ku yimi aad uga duwanaa waxaa judhiiba muuqatay inloo xidhay oo lala garab ordday Taashkii kali taliye lahaan jiray, cidbaana kamasuul ahayd oo arrintaas ku dhiirisay umana baahna maanta inaan tilmaano.Balse waa tusaale. Hadii aynu hadaba eegno Xukuumaddan maanta jirta, oo aynu isweydiino sifaha loogu duduucay Madaxweyne Siilaanyo in loo muujiyay mid raacayajidka leexsan. Waxaynu xusaynaa shakhsiyaadka loo tirinayo inaytigtigo-leexiyeen majarihii maamul-wanaaga. Waa xubno hanaan beelaysan ugu soodhawaaday Xukuumadda, waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Cabdirisaaq Cumaani ooay qaraabo yihiin Madaxweynaha J.S.L Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaa uudeganyahay Dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Dubai, waxaanu ka ganacsan jirayoo uu ku haystay Huteel Hurdo iyo Cunto ah Suuqa Dahab.

Hudheelkaas oo laodhan jiray City Gold. Ninkani oo tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo XukunkaDalka la wareegay 27 July 2010 dalka dib ugu soo noq-noqonayay.

Cabdirisaaq wuxuuyimid Dalka dhowr iyo Toban jeer oo uu marba Hargaysa joogo bil ilaa saddexbilood waxaanu markii u horaysayba ay saaxiibo dhow noqdeen Wasiirka Duulistaiyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, isaga oo keenay Qalab ay ka mid yihiin Radioama Walk Takyo, dabayaaqadii  Sanadkii 2010. Markii danbana wuxuu noqdaywakiilka Iibka u fadhiya Dubai ee alaabta Wasaaradu u baahantahay u soo iibiya.Mar ka mid ahayd xiliyadaas uu dalka ku soo noqnoqonayay waxa lagaga soo qaadayMadaarka Baabuur ka mid ah kuwa Madaxweyanaha oo Numberkoodu yahay 00001.Waxaana la tilmaamaa inuu ka mid noqday Gudida Jilibka Madaxweynaha ka soojeedda oo Musdanbeedka  Talada iyo Go`aamada Madaxtooyada lagu naaneyso,kana talisa sida uu ii sheegay nin xog ogaal ahi oo soo diyaariya Ajandayaashaka dibna u soo gudbiya Wasiirka Madaxtooyada iyo Madaxweynaha oo iyaguna sidaasku ansixiya kuna Dhaqan galiya sida Magacaabista iyo Xilka qaadista IWM.

Qunyar socodnimo iyodaaha dabadiisa ayuu ka wadday sidda xogaha aanu helay sheegayaan CabdrisaaqCumaani, waxase hadana cod dheer lagu maqlay  Badhtamihii Sanadkii hore markii uu  ninay saaxiibo dhow yihiin u sheegay inuu war lalis iyo Hay’ddo Warbaahineedsamaysanayo, kuwaasoo la wariyay inuu doonayo inay difaacaan hawlihiisamashaariicda uu qaadanayo ee uu ka mid-yahay dhismaha Madaarka Hargaysa, siddookallena ay kursiga ku ilaaliyaan Madaxweyne Siilaanyo.  sidoo kaleCabdirisaaq Cumaani waxa laga sheegay markii taariikhdu ahayd 15/1/2012 ooXukuumada Siilaanyo Xabsiga u taxaabtay 24 Suxufi, albaabaddana loo laabayTelefishan-ka Horn Cable Tv oo Albaabada loo laabay inuu yidhi “Ii keenaWeriyayaasha ku kacsan Xukuumada aan lacag siiyee”  in kastoo Wararkusheegeen in Saddex Weriye loo geeyay Madaxtooyada oo lacag dhowr ku ah lagusiiyay.

Waxa kale oo Wararkuintaa ku dareen inuu Arrinta furista Warbaahinta uga Masuul yahay una xilsaarayWalaalkii oo ka yar oo Magaalda Hargaysa Jooga, kaas oo la sheegay inuu hadaraadinayo  Wariyayaashii ka hawl gali lahaa in kastoo la ii sheegay in qaarka mid ah Weriyayaasha Hargeysa ka hawl gala uu qaarkood Heshiis la galay.

Si kastabaha;ahaatee, arrimahan is naasnuujinta ah oo gawraca hanaanka suubani waxaykeenaan oo lagu bartay Cimri-degdeg xukuumadeed iyo taariikh xumo, sidaasdarteed haddii aan  Madaxweyne Siilaanyo ka digtoonaan dabinaddaSaaxiibadda iyo Eheladda ku xod-xodanaya taageeraddii hore waxay keeni doontaawaxaanu jeclaysan mustaqbalka dhow iyo naqdi ka badan ka maanta lagu hayo.