Uncategorized

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee dhinaca Maamulka oo Hargeysa ka furay kulan hawleed qayb ka ah Mashruuca Maamul daadejinta

Hargeysa Mar 20,2012(SDN)-Wasiir ku-xigeenka  Arrimaha Gudaha ee dhinaca Maamulka Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa Maanta ka furay Huteelka Maansoor kulan hawleed qayb ka ah Mashruuca Maamul daadejinta ee Lix degmo oo Somaliland ah laga hirgalinayo.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay oo kale Mas’uuliyiin,iyo Aqoon yahano isugu jira dadka ku hawlan adeegyada bulshada gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha Nolosha Sida Biyaha,Caafimaadka,iyo Waxbarashada.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha  Maamulka  ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ku tilmaamay in mashaariicdan oo loo yaqaan adeega sadex xagalka horumarinta bulshada kuwaas oo laga hirgalinayo sida uu sheegay Magaalooyinka Hargasya,Boorama,Gebilay,Burco,Sheekh,Berbera, wasiir ku xigeenku waxa uu cadeeyay in siyaasada xukuumadu ay salka ku hayso in talaabo kasta oo dhinaca horumarka loo qaadayo si wada jir ah loo fuliyo taas oo keenaysa ayuu yidhi Wasiir ku xigeenku in bulshadu u fahamto guusha aynu higsanayno .

Mudane Cismaan Garaad Soofe waxa uu intaas ku daray in dariiqani yahay ka caalamku uu Maanta ku horumaray.

Sidoo kale Agaasimayaasha  Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Macdanta iyo Biyaha ayaa cadeeyay in sannadkii u danbeeyay horumar la taaban karo laga sameeyay ka faa’iidaysigga Mashruucan waxaanay tusaale u soo qaateen Magaalooyinka Berbera,Boorama iyo Hargaysa oo dhawaan laga qodi doono ceelal Cusub.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay maayar ku xigeenka degmada Sheekh, Maareeyaha Wakaalada biyaha ee Berbera iyo khabiir ka socday hay’ada Undp  

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com