Berbera Mar 20,2012(SDN)-Shirkada Sibidhka ee Saaxil Cement Company ayaa war qoraal ah oo ay soo Saartay Maanta waxay kaga hadashay arrimo ku saabsan warshada sibidhka ee berbera iyo doorka ay ku leedahay Shirkada dahabshiil.
Waxay Shirkadani Warkeeda ku sheegtay inay tahay mid saamilay ah oo kulmin doonta Shirkadaha Ganacsiga,Qurbo jooga iyo cid kastoo danaynaysa inay saami ku yeelato waxaa kale oo ay xustay inay aaminsan tahay in Wadanku qaadi karo laba shirkadood iyo wax ka badanba kuwaas oo lagu farsameeyo Sibidhka, isla markaana dabooli kara baahida Suuqyada bariga Afrika iyo Bariga dhexe.
Shirkada Sibidhka ee Saaxil Cement Company waxay tilmaantay in Qorshaha ay ka duulayaan uu ku wajahan yahay sidii ay u dhisi lahaayeen wershad cusub oo casri ah isla markaana muga wax soo saarkeedu uu balaadhan yahay, taas oo u shaqayn doonta sida ay sheegeen hab la wada leeyahay lana ilaalina doona deegaanka iyadoo mudnaanta aanu siinayno ayay yidhaaheed inay shaqaalaysiiso dadka deegaanka.
Warkan ay soo saartay Shirkada Sibidhka ee Saaxil Cement Company waxaa kale oo ay ku iftiimisay doorka Shirkada Dahab shiil ku leedahay arrinta Warshadan waxa ay ku tilmaameen shirkad weyn oo caalami ah isla markaana qaadanaysa hormoodka iyo isu keenista Ganacsatada si mashruucan oo faa’iido balaadhan wadanka ugu lihi uu u najaxo, waxaanay ka mid tahay ayuu warku yidhi Saamilayda maalgashanaysa Wershadaas.
Warku waxaa kale oo uu intaas ku daray in maadaama aanay jirin baanan Caalami ah iyo Shirkado Caymis ay Dahabshiil doorkeedu noqonayo oo kale in iyadoo ka faa’iidaysanaysa xidhiidhka ay caalamka la leedahay ay u sahli doonto saamilayda inay kaalintaas u buuxiso iyadoo hadafkeedu yahay ayay yidhaahdeen inay dadkeeda u abuurto mashaariic waxtar u leh bulshada, dhaqaalena wadanka soo gelisa.
Gabo gabadii Shirkada Sibidhka ee Saaxil Cement Company waxay sheegtay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo danaynaysa in Wadanka lagu sameeyo Maalgashi .
SDN-Berbera
