Uncategorized

Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo hawsha tirinta kunka Qof ka fuliyay Burco

Burco, 21, Mar 2012 (SDN)- Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ayaa maanta hawlgalkoodii tirinta madax-taabashada ah ee kunka qof ee laga rabo Urur kasta ka fuliyay Gobolka Togdheer xaruntiisa Burco.

Hawsha Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo noqonaysa Gobolkii afraad ee ay ka fuliyaan tirinta Kunka qof ayaa maanta waxa si isku mid ah taageerayaashooda u soo taxay goobo kala duwan 15-ka Urur Siyaasaddeed ee dalka ka jira.

Ururrada maanta ugu cad-caddaa dhinaca taageerayaasha dadweynaha ayaa waxa mid ahaa Ururrada Badbaado, Wadani, Udhis iyo Rays , iyadoo Ururrada kalena ay muujiyeen taageerada ay ku leeyihiin gobolkaas.

Guddida Diiwaangelinta ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay si wanaagsan ugu dhamaatay hawshii tirintu, waxaanay ugu mahadnaqeen qaabka ay Ururada Siyaasaddu isu abaabuleen.

Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ayaa la filayaa inay bari gobolka Togdheer uga sii gudbaan dhinaca Gobolka Saraar Xaruntiisa Caynaba si ay uga fuliyaan hawsha tirinta kunka qof.

Guddidan ayaa hore u sheegay inay natiijada ay ururradu ku kala badiyeen ay soo saari doonaan marka ay dhamaan gobollada Somaliland ka soo dhameeyaan tirintka tirade shuruuda laga dhigay.

SDN, Burco