Hargeysa, 21, Mar (SDN)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka Cali Siciid Raygal ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore Wasaaraddaas Cabdi Siciid Faahiye.
Munaasibada xilwareejinta oo ka qabsoomtay xarunta Hay’ada Shaqaalaha waxaana ugu horeyn ka hadlay munaasibadaas Wasiirkii hore Wasaaradda Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye, waxaanu ka warramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, waxaanu aad ugu dheeraaday qabashadii tartankii Kubada Cagta ee Gobollada dalka ee lagu xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.
Wasiirkii hore ee Ciyaaraha oo khilaaf muddo ka dhexeeyay Xidhiidhka Kubadda Cagta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas kula dardaarmay inay Wasiirka cusub wada shaqayn buuxda la yeeshaan.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo hadal kooban ka jeediyay munaasibada xil wareejinta ayaa u mahadceliyay Wasiirkii hore iyo Shaqaalaha Wasaaradaas.
SDN, Hargeisa Somaliland
