Cadaado Mar 21,2012(SDN)-Haweney Britis ah oo Soomaaliya lagu heystay mudo 27 todobaad ah ayaa maanta la sii daayay ka dib kolkii madaxfurasho ay reerkooda siiyeen burcad Soomaali ah oo Cadaado ku heysatay.
Judith Tebbutt oo dablay ka soo afduubatay dalka Kenya ayaa xilgaa burcadu dishay odeygeedii Devid.
Haweeneydan oo maanta laga dhoofiyay Cadaado ayaa lagu sii wadaa magaalada Nairobi.
Haweeneyda oo u warantay saxaafada ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in xoriyadeedii loo celiyay “todobo bilood waa xili dheer marka lagu daro in odeygeygii la dilayna waa ay ka sii daran tahay”ayay tidhi.
Haweeneydan oo 58 jir ah ayaa laga soo afduubtay magaalada xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya.
SDN-Cadaado
